|

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ay is Haleeleen Weriye Caadifad laga dheehan karo,Iyo Basaasnimo lagu eedeeyay Daawo

Kala MaanHargaysa 11.June 2014 (SDN/QJ)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Haatan kuĀ  Sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu Sheegay inuu Nasasho u Joogo ayaa Warbaahinta Muuqaalka ah ee afka Somaliga ku hadlaa Waxay u kala Waraysiyo is daba joog ah la Yeesheen Aqoon yahankan.

Inta Badan Warfidiyeenada ayaa Su’aalahooda bud dhig uga dhigay Isbedelka iyo aragtida Siyaasadeed ee Mar Qudha Prof Axmed Ismaaciil Samatar Giraanta Xaga kale u Wareejiyay isla markaana uu garawsaday Aayo ka Tashiga Shacbiga uu dhalasho ahaan ka soo Jeedo ee Somaliland isagoo dhinac iska dhigay Mab’dii Somali Weyn ee uu Wakhtiga dheer daba Joogay.

Telefishanka Universal ayaa Waraysi uu la Yeeshay Prof Samatar Waxa ay ku Tilmaameen inuu hab Basaasnimo ah Mar Muqdisho ku tagay isagoo u adeegaya CIA Maraykanka.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed