|

Dagaalada Shabeelaha Hoose Ka Socda Oo Gaadhay Heer Maraykanku Ka Qayliyo

Nairobi:June,11,2014(SDN/QJ)-James P. McAnty oo ah Ergeyga sida gaarka ah Maraykanka ugu qaabilsan Somalia ayaa Ka Hadlay Dagaalo-beeleedyada sii xoogaysanaya eek a socda Gobolka Shabeelaha Hoose.

qoqErgeyga ayaa ammaanay jawaabta ay madaxda soomaaliya ka bixyeen Dagaalkaas, waxana uu ku Baaqay in  joojintiisa si degdeg ah loo joojiyo.

Waxa uu sidoo kale u soo jeediyey dhinacyada Dagaaladu dhex marayaan inay isu tanaasulaan oo joojiyaan Dilalka ay isu geysanayaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Gaar ka ah ee Dowladda Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty oo ku leeyahay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Maraykanka ay bogaadineyso dadaalka Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ugu jiraan xasilinta dagaal beeleedyada ka socda Gobollada dalka qaarkii.

“Dawladda Maraykanku waxay ku amaanaysaa Dawaladda Federaalka Soomaaliya talaabada deg deg ah ee ay ka qaaday dagaalada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaanu taageeraynaa baaqoodii ku saabsanaa in colaada si deg deg ah loo joojiyo ayna dhinacyada is hayaa si nabad ah ku dhameeyaan khilaafkooda.” Ayuu yidhi Mr McAnulty..

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Dawladda Maraykanku ay Soomaaliya ugu deeqday macaawimo gaadhaysa 517 miliyan oo doolar ilaa sanadkii 2007, ayna sii wadayaan taageerada si loo helo nabad iyo xasilooni, islamarkaana loo sii xoojiyo dawlad wanaaga ku salaysan is la xisaabtan iyo wax wada qaybsi.

Dagaalada ayaa wali sii socda inkasta oo aanay sidii hore ahayn, waxana laga Yaabaa in maanta wixii ka dambeeya ay saraakiil ka tirsan  dawladda Somalia ay halkaas gaadhaan, isla-markaana ay wada hadal ka dhex furaan dhinacyada beelaha ah ee is haya.

 

SND/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed