Beelaha uu Muuse Biixi ka soo jeedo Oo Ku Mashquulsan Shirar Doceedyo ay kaga Tashanayaan Hiilkii Guurtidu Siisay Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa:June,11,2014(SDN/QJ)-Waxa Gebi ahaanba meelo kala duwan oo dalka iyo dibadiisa ah ka socda shirar hoose oo ay wadaan xubno firfircoon oo ka tirsan Beelaha uu ka soo jeedo muuse Biixi ee Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa.
Shirarkan ayaa ah qaar lagaga tashanayo Go’aankii Guddidii Guurtidu dhawaan ka soo saartay khilaafkii Xisbiga kulmiye oo aanay Beeshu ku qancin, waxana wali socda shirar lagu lafo-gurayo waxay ay beeshu ka yeeli lahayd Taageeradii ay Kulmiye siin jirtey.
Shirarkan intooda badan ayaa ka socda Magaalada Hargeysa, waxana lug ku leh oo daaha dabadiisa ka riixaya Tujaarta Beesha iyo waliba xubno ka tirsan Xukuumadda siilaanyo oo talada Beeshooda wax badan ku leh.
Sida ay sheegayaan wararka ay helayso Qurbejoog.com, waxa laga doodayaa Halka Beeshu dhigi lahayd Musharraxnimada Muuse Biixi ee madaxweyne-nimada iyo jawaabta laga Bixin doono Go’aaankii Guurtidu ku kala furdaamisay Muse Biixi iyo Siilaanyo oo dadkii qaarkii u arkaan mid aan cadaaladda ku salaysnayn.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu wali ku mashquulsan talooyin uu la leeyahay taageerayaal ka soo jeeda Gobolada kala duwan ee Somaliland, waxana wali aanla ogayn halka uu ku dambayn doono Go’aankii uu ku sheegay inuu is sharraxayo, iyadoo Kooxda Madaxweyne Siilaanyo Hoggaamiyo ee Garabka Kulmiye Kaga libaysteen Taladii la isku qabtay.
Ma aha kaliya Beesha Muuse Biixi Cidda taageerada siisay Guddoomiyaha Kulmiye, balse waxa jira Beelo kale oo muujiyey Taageerada Muuse Biixi ay u hayaan, kuwaas oo sidoo kale caddeeyey inaanay dib dambe codkooda u siin doonin madaxweyne Siilaanyo oo isaga hore muddo shan sano ku dhaw loo so tijaabiyey.
SND/QJ-Hargeysa