Xoghayahii waxbarashada xisbiga Ucid Fawsi Xaaji Yusuf oo iska casilay jagadii uu ka hayey xisbiga Ucid
London 11Jun14(SDN) Xoghayaha Waxbarashada ee Xisbiga Ucid ayaa waxa uu iska casilay xilkii uu u hayey Xisbiga isaga oo qoraal soo gaarsiyiey war baahinta waxa uu ku bilaab
BISMILAHI RAXMI RAXIIM SALAAMU CALAYKUM WA RAXMATULAAHI WA BARAKATU
Cadaladu daradu waa wax aynu ula dagaalanay xukuumadii kali taliska ahayd, Waxaana aynu rajaynaynay in aynu badalo oo aynu ku dhaqano sharciyada aynu dhiganay haday xukuumad tahay iyo haday xisbi tahay labadaba.
Aniga oo ah Fawsi Xaji Yusuf Warsame Xoghayaha Waxbarashada ee XIsbiga UCID, kana mid ahaa dad kii fara ku tiriska ahaa ee aas aaska Xisbiga UCID, muddo ka badan dhawr iyo toban sanadoodna hiil iyo hooba la garab taagnaa.
Markii aan arkay cadalad darada, hubsasho la’aanta, kali talinta iyo kala danbayn la’aan iyo khilaaf kii ka dhex taagnaa Xisbiga UCID laanta UK oo aan waxba laga qaban iskuna afgaran waynay Guddoomiyaha XIsbiga, si cadaalad ahna aan loo dhammayn, waxaan goostay maanta oo bishu tahay 10/06/2014 inaan Iska casilo xilkii Xoghayaha Waxbarashada ee XIsbga UCID.
Somalidu waxay tidhaahdaa nin weyn iyo umuli siday wax u ogyihiin midna oma sheegaan, oo waxaan Xisbiga ka sheegayaa ma jirto imika.
Waxaan mahad u cilinayaa dhamman Taageerayashii Xisbiga ee aanu soo wada shaqaynay muddaada dheer.
Wa bilaa hi tawfiiq.
Fawsi Xaji Yusuf Warsame.
Xoghayahii Waxbarashada ee UCID .
London UK.