|

Tiradii Ugu Badnayd ee Arday Somaliland ah oo Deeqo Waxbarasho ka helay Maraykanka iyo dalal kale

Hargaysa 11.June 2014 (SDN/QJ)- Arday gaadheysa 23 arday oo ka tirsan dugsiga sare ee Abarso-tech ee ku yaalla duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa ayaa deeq waxabasho ka helay jaamicado ku yaalla dalka mareykanka iyo toddoba dal oo kale .

Waa Qayb ka Mid ah Ardayda Fursadan heshay

Waa Qayb ka Mid ah Ardayda Fursadan heshay

Kooxdan ardayda ah oo ah ardaydii ugu badneyd ee deeq waxbarasho jaamicadeed ka hela jaamacado waxay isugu jiraan wiilal iyo babdho

 

Warbixin uu soo saaray maamulaha dugsiga sare ee Abarso-tech Mr Jonathon waxaa uu ku sheegay in ardadani u kala bixi doonaan jaamicado ku kala yaalla dalalka Mareykanka , Germany , Qadar , Costarica, Norway , Japan , China, iyo South Africa.

Maamulhu wuxuu ii sheegay in deeqdan waxbarasho ee la siiyay sanadkan ardayda dugsiga sare ee Abarso-tech ay bilaash tahay oo jaamicadaha ay tegayaan ballanqaadeen waxbarashada aradadaasi, jiifkooda iyo cuntadooda .

Sihaam oo ah gabadh u baxaysa jaamicad ku taalla magaalada New York ayaa ii sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay hesho deeq waxbarasho, iyadoo sheegtay inay barandoonto tacliin dalkeeda hooyo hadhow wax u tari doonto.

Sidoo kale Cabdiraxmaan oo isna tegaya isla jaamicad ku taalla USA ayaa sheegay in reerkoodu aanay ka bixin kareyn waxbarasho jaamicadeed, sidaa darteed uu aad ugu farxay inuu waxbarasho helo dibedda ah .

Dugsiga sare ee Abarso-tech oo ku yaalla dhinaca galbeed ee Hargeysa oo 20km u jira ayaa waxaa aasaasay 2009 aqoonyahanno isugu jira Soomaali iyo Mareykan oo ilaa hadda iyagu maamula dugsigan .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed