Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka..Q.3aad
Qormadan maanta waxaan akhristayaasha ugu soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka ragaadiyay habsocodka hawlaha garsoorka.
Waaxda garsoorka waxa hogaanka u haya gudoomiyaha maxkamada Sare,isla markaana ah gudoomiyaha maxkamada dastuuriga,ahna gudoomiyaha gudida cadaalada.Maansha allaah maxaa xil culus loo cumaamaday!Masuuliyadahan kala duwan ayaa Gud.Yusuf u suurta gelisay inuu hadba sida uu doono ama ehelkiisa ama saaxiibadii-ba ula yimaadaan ka yeelo dacwadaha.Dabcan Yusuf muddo dheer ayuu ka soo shaqeeyay waaxdan uu gadh-wadeenka ka yahay oo mugdi gelisay cadaalada.Halkii uu wax ka bedeli lahaa hab-socodka maamulka iyo dhaqan gelinta shuruucda dalka u taala ayuu kaba sii daray oo uu samaystay gacan-yare uu ku guuro,una fuliya hadba sida uu rabo.Gacan-yarahan oo u dhaxeeya isaga iyo garsoorayaasha,gaar ahaan gobolka M/Jeex.Gacan-yarahaasi waa Gudoomiyaha maxkamada gobolka M/Jeex Md.Faysal Dhagodhago oo haba yaraatee ka arradan aqoonta iyo masuuliyada xilka uu qaranka u hayo,waxaanu kaaliye u ahaan jiray Yusuf berigii uu qareenka ahaa.
Labadan masuul ayaa noqday masuuliyiin aan innaba ehel u ahayn cadaalada.Waxa ay samaysteen nidaam ay jeebkooda kala soo baxeen oo baal marsan shuruucda dalka u taal.Rabi-taankoodan gaarka u ah waxa ka dhashay:
1:Maamulkii garsoorka oo daaqada ka baxay.
2.Garsoorayaal ku xidhmay labada masuul oo ka leexday cadaalada.
3.Dacwadaha ay danay-nayaan oo ay ku qoraan garsoorayaasha
Ay gacanta bugta la yeesheen.
4.Garsoorayaasha diiday dhaqan-gelinta amar ku taalaynta labadaa
Masuul ayaa lagula dhaqmaa fogayn iyo shaqada oo lagaga eryo
Habsan.Cajiib!
Talaabooyinkani waxay keeneen waaxdii garsoorku inay laba garab oo hirdamaya u kala baxaan.Garab ay hogaaminayaan Gud.Yusuf oo habkii qaloocay ee hore ku adag sii wadkiisa iyo garab jaamiciyiin ah oo fulinaaya himiladii Madaxweyne Axmed-siiraayo la rabay cadaalada.
Nin baa laga hayaa(Ma danbiile ayuu noqday ninkii dulmiga diiday).Mid kalana waxa laga hayaa(Daacadi dhimataye ma diintaan ka baxaa).
La Soco…….
Xuseen Xasan Badmaax
4026100
Hargeysa/JSL