|

Shirweynihii Beesha Arab Sheekh Isaxaaq oo Jewi Degan ku Furmay iyo Odhaaho laga Jeediyay (SAWIRO)

Balli Gubadle 10.June 2014 (SDN/QJ)- Shirka Beelaha Afgarad 3 ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaaladda Baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd. –

Shirkan oo ay ka qsoo qayb Galeen Sulaadiin, Cuqaal, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Wasiiro, aqoonyahan, Haween, dhalinyaro  iyo dadweyne aad u tiro badan. –

Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo shirkaasi furay ayaa idil ahaanba dadkii shirkaasi ka soo qayb galay uga mahad celiyay sida fiican ee looga

Waxa  uu xusay in beesha Arab ay markii ugu horeysay isaga kala timid Dalalka Somaliland, Soomaaliya , Ethiopia, Djabouti iyo meelo badan oo caalamka ah.

Waxa uu ku bogaadiyay in ay nabad galyada iyo wada jirka ilaaliyaan, waxaanu xusay in ay farxad gaar ah u tahay in ay shirkaasi.

“Waxa aan idil ahaanba soo dhaweynayaa dadweynaha aadka u tirade badan ee ka soo qayb galay shirkan, madax dhaqameedka isaga kala yimid Somaliland, Somalia, Ethiopia oo ay beeshu degto, farxad weyna way ii tahay” ayuu yidhi.

Sidoo kale Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in ay farxad gelinayso in uu ka soo qayb galo shirkan beesha Arab..

Geesta kale Suldaan Maxamed Ismaaciil Jaamac (Foolgaawe) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay farxad galisay in guud ahaanba beel waynta Arab shir isugu timaado oo uu si hab sami ah maanta uga furmo magaalada Balligubadle

Guddoomiyeha Guddida Qabanqaabada shirka Beelaha Arab Maxamuud Xuseen Xirsi iyo Jaayamac Koosaar Axmed oo iyaguna halkaasi ka hadlay sidii ay u soo qaban qaabiyeen shirka beelaha arab.

Adna aadan ismaaciil oo halkaasi ka hadashay ayaa Bulshada reer Baligubadle ugu baaqday in ay qayb weyn ka qaataan dhamaystirka Wadada isku xidha Magaalooyinka Baligubadle iyo Caasimada Hargeysa,Drs Adna aadan ismaaciil waxay ku dheeraatay Doorka uu Deegaanka Baligubadle kaga jiro halgankii dib u xoreynta qaranka Somaliland,waxayna dhalinyarada ka soo jeeda Beelaha Arab ugu baaqday in ay marwalba muujiyaan isku duubni iyo aqoon wadaag aqoontoodana ay kor u qaadaan.

Sidoo kale Waxaa Dib loo dhigay Salaadiin iyo Madax dhaqameedyo ka tirsan Beelaha Somaliland kuwaas oo la sheegay inay Shirka Tegi doonaan Maalinta u danbaysa si ay Goob Joog uga Noqdaan Gunaanadkiisa.

1 2 3 4 5 ar

Balli Gubadle SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed