|

Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Addis ababa kaga qayb galay Xal u Helida Mashaqada Konfurta Sudan

Addis Ababa 10.June 2014 (SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, si uu ugu qeybgalo shirka aan caadiga aheyn ee madaxda IGAD maanta uga furmaya magaalada Addis Ababa, kaasoo looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka ka taagan dalka Koonfur Sudan.

Cabdiweli-Sheekh-Shirka-IGAD-300x2001Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya  Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa qoraal uusoo dhigay bogga arrimaha bulshada ee Facebook ku sheegay in reysul wasaaruhu uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono madaxda ka socota IGAD ee ka qeyb galaya shirka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Burci Xamza oo qeyb ka ah wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa maanta ka qeyb galaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD.

Madaxda IGAD ayaa dadaal ugu jira sidii loosoo afjari lahaa dhibaatooyinka kajira dalka Koonfur Sudan ee u dhaxeeya madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenkiisii hore Riek Machar , taasoo sababtay dagaal ay dad badan ku dhinteen.

Addis Ababa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed