Wasiirka Madaxtooyada Oo Xadhiga Ka Jaray 5 Kiilo Mitir Oo Ka Mida Dhismaha Waddada Cad+Sidoo Kalena Dhagax Dhigay 15 Kiilo Mitir + Xaflad Kooban Oo Ka Dhacday Duleedka Magaalada Toon + Sawiro/DHAGAYSO
Hargaysa:09,06,2014 (SDN/QJ)- wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane xirsi cali xaaji xasn ayaa maanta xadhiga ka jaray 5 kiilo mitir oo ka mida dhismaha waddada cad oo ay xukuumadu dhistay iyadoo wasiirku uu 5 kiilo mitir oo kalena uu maanta dhagax dhigay oo ay xukuumaddu dhisayso halka dadka deegaanku ay dhisanayaan 10 kiilo mitir isku geynna ay noqonayso 20 kiilo mitir lana filayo in ay waddadu gaadho qoolcade .
Waxaa xaflada xadhig ka jarka iyo dhagax dhiggu ka dhacday duleedka magaalada toon iyadoo ay ka soo qeyb galeen wasiirka madaxtooyada Somaliland xirsi cali xaaji xasan. Wasiiru dawlaha madaxtooyada maxamed muuse abees . wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta c/.laahi maxamed daahir cukuse .gudoomiye ku xigeenka guddida dhismaha waddada cad sh.maxamed cali geedi . suldaanka guud sul maxamed sul c/qaadir , xildhibaano ka kala socday golayaasha barlamaanka aqoonyahan .waxbarad .culimo ,iyo dadweyne kale .GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALADII KALA DUWANAA EE DHISMAHA WADADA CAD
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WadadaCad09J(1).mp3″]
SDN/QJ-Hargaysa
Daacad@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com