|

Xarumaha Ammaanka Djibouti Oo Baahiyey Muuqaalka Dhallinyaro looga Shakisan yahay Qaraxyadii dhawaan dhacay

Djibouti:June,09,2014(SDN/QJ)-Toddobaadyo ka dib qaraxyadii ka dhacay dalkaasi Djibouti ayey Dawladdu warbaahinta ka sii daysay muuqaalka Saddex dhallinyaro ah oo Hay’adaha ammananku Baadigoobayaan.

caleeSaddaxdan dhallinyarada ah ayaan la sheegin magacyadooda, waxase la baahiyey kaliya sawirradooda, waxana la filayaa inay xidhiidh la lahaayeen qaraxyadii dhawaan dalkaasi ka dhacay ee ajaanibku ku dhinteen.

Shacabka Jabuuti ayaa loogu baaqay inay la xidhiidhaan booliiska hadii ay ogyihiin meesha ay ku sugan yihiin ama xog la xidhiidha raggan la shaaciyey sawiradooda.

 

Wali Ma cada raggan inay wax xidhiidh ah la leeyihiin Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 24kii bishii hore ee May ka dhacay makhaayad ku taal magaalada Jabuuti, qaraxaasi oo ay sheegatay kooxda Al Shabaab.

 

Tan iyo intuu qaraxaasi dhacay ayey ciidamada amaanka wadeen baadhitaano xoogleh oo ku aadan xoojinta amaanka iyo weliba qabashada dadkii la sheegay inay gacan ka geysteen weerarkii 24kii May oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 20 qof.

Dalka Djibouti wax aka taagan xaalad cusub  waxana dawladda dalka maraykanku ku dhawaaqday inay xaalad ammaa-darro ka jirto halkaas, iyadoo muwaadiniinteedana ugu baaqday inaanay u safrin Djibouti.

SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed