|

Xaflad Xisbiga Wadani uu ku qabtay Toronto oo lagu soo bandhigay Barnaamijka Xisbigaas(SAWIRO)

Toronto June 09, 2014(SDN/QJ)-Waxa Toronto lagu qabtay xaflaad aad u balaadhan oo lagu soo bandhigay barnaamijka xisbigga WADDANI ku hogaamin doono Somaliland “ PARTY POLITICAL PROGRAM.

Waxa kasoo qayb galay dad wayne aad tiro badan, iyo xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka Canada iyo Somaliland. Waxa kale oo kasoo qayb galay wafdi balaadhan oo kasoo kicitimay OTTAWA.

Waxa hadalo qiimo leh ka jeediyay Xildhibaan Jim Karygiannis ( Liberal MP , House of Commons ); Xildhibaan Xussein Egeh, Prof Ibrahim Absiiye, Prof Mohamed Fadal, Prof Saed Sheikh ,Abdirahman Cali Dirayse, Guddoomiye Osman Sheik Dalmar, Marwo Zuhuur Abiib, iyo akhyaar kale oo faro badan.

Waxa lagu soo bandhigay heeso u gaar ah qaranka Somaliland iyo Xisbigga WADDANI. Waxa xisbigga kusoo biiray xubno iyo taageerayaal cusub, oo ku gancay barnaamijka Xisbigga kuna balanqaaday inay kusoo kordhin donaan muruq , maskax iyo maalba.Waxaanu leenahay kusoo dhawaada xisbigga mustaqbalka, dugsigga cadaaladda iyo horumarka.

Displaying IMAG1471.jpg

Displaying IMAG1473.jpg

Displaying IMAG1479.jpg

Displaying IMAG1480.jpg

 

SDN/QJ-Toronto

contact@qurbejoog.com

Comments are closed