Yusuf Budle:Waxa aan la yaabay go’aanka Guurtidu kasoo saartay xalinta khilaafaadkii xisbiga Kulmiye, Waxaanse la sii yaabay nimankii koodhka maarta ah usoo xidhay bulshada ee iska dhigayay in ay shaash libaax xidhan yihiin oo ay wax dhacsan karaan
Minneapolis June 08,2014(SDN/QJ)-Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee xisbiga Qaran ee Somaliland ee UCID Md Yusuf Budle ayaa si adag uga hadlay goaamadii Guurtidu sheegtay in ay xal u noqon karaan khilaafkii xisbiga Kulmiye ee musharaxnimada Madaxweynaha.
Xoghaye Yusuf Budle waxa kale oo uu sawir ka bixiyay sida ay masuuliyiintii madaxweyne Siilaanyo xilka isku hayeen ee ummadda kiciyay.
Ugu danbeyntiina waxa uu baaq u jeediyay bulshada umada Somaliland oo uu uGu baaqay in ay ka mid noqdaan xisbiyada la wada leeyahay ee dalka ka jira in ay ka mid noqdaan.
Qoraalka Xoghayaha ayaa sidan u dhignaa”
Waxa aan la yaabay go’aanka ay gudidii dhexdhexaadinta ee guurtidu kasoo saartay xalinta khilaafaadkii xisbiga Kulmiye. Waxase aan kala sii yaanay nimankii koodhka maarta ah usoo xidhay bulshada ee iska dhigayay in ay shaash libaax xidhan yihiin oo ay wax dhacsan karaan, waa Muuse Biixi iyo Maxamed C/laahi, in Muusana sidii gabadh lasoo sasabay yidhaahdo ” Anigu wax walba waan ogolahay”, kii Maxamed yarana orodkii ilaa London ku tago.
Ninkii Muuse iyo Maxamed yare xabsi u ga…loow, adigaa meel cidlo ah ka dagaalamay. Muusana woxogaa kharash ah oo xaal marin ah ayaa loo dhiibayaa, siddii berigii Abiib Timacad la xidhay, Maxamedna waakaa qurbihiisii iskaga noqday. Markaa waxa iga talo ah in aad si aad ah u fikirto oo aad iska hubiso cidda xuquuqdaada raadinaysa ee aan shaxaad hoose ku jirin.
Muuse waa ninkii odaygiisii (Odaygii ugu waynaa reerkiisa, waa Xaashi Muuse’e) xabsiga u taxaabay isagoo raali gelinaya Siilaanyo. Maxamed yarana waa ninkii beeshiisa ku yidhi “anigu raganimadaydaan ku noqday wasiir, Siiraanyana anaa gacanta ku haya, markaa aniga ha ii yeedh yeedhina: Run ahaantii waa siduu u yidhi, dacaayadna ma’ aha. Markaa saaxiibayaal waxba yaan magac reer kolba la idinku kicinin, dagaal qaldana la idinku gelinin, hadana dano gaar ah la idinku fushanin ee arrink cagaha dhulka u dhiga. Xisbiga Kulmiye waxa leh oo ka taliya Siilaanyo, waxana go’aamiye ka ah Xirsi iyo kooxdiisa, marka haddii aad taas ku gelayso waa okay ee toos ula shaqee Xirsi iyo kooxdiisa, haddiise aad u haysatay in Muuse wax ku leeyahay Kulmiye, Maxamed yarena loo soo geshay shaadh libaax oo been ah, maantaba arag. Go’aanka adigaa leh, waxase kuu banaan xisbiyo la wada leeyahay oo aad wax ku yeelan karto, bari ilaa galbeed. Ka faa’iidayso dimuqraaadiyada S/land ee wax ku darso meesha aad codka iyo sharafta ku leedahay.
Guul iyo Gobonimo.
SDN/QJ-Minneapolis
contact@qurbejoog.com