GULUFKII “D-DAY” IYO GABYAAGA SOOMAALIYEED. By M. Haaruun – mbiixi@gmail.com
- Koowdii xalaa taarku yimid, waana kululaaye.
- Kornayladu ma seexdaane waa, Kuududaan waliye.
- Anaa koon-lab, anigaa kurka ah, kay ha la gu daayo.
- Kaliday anaa idin xukumi, Kaasi been noqoye.
- Ninkii kibir-hawoodaba, midbaa xadhig ku keenayne.
- Konton mayl hadaa loo jiraa, Karintii Baarliine.
- Kurtin qiiqayaa labada dhinac, la ga kulaalaaye.
- Muslimiinta Eebboow kor yeel, Koodu waa sahale. (Xassan-tarabi)
Hadii aad idaacad ama TV furto, hadii aad website booqato iyo hadii aad wargays soo qaado ba, waxa maalmahan u gu badan ee kaa hor imanayaa waa sheekooyin ku saabsan xuska duulaankii maalinta ‘D-Day’ oo haatan todabaatan guuradeeda la joogo. Waxa la keenay xusaskaas oo dhan, askar ka nool ragii waagaas dagaalamay, oo haatan da’doodu 90 iyo wixii la jira tahay. Maalinta D-Day oo ku beegan 6da June, 1944, in kasta oo aanay ahayn maalintii dabshidka Dagaalkii labaad uu bilaabmay iyo markii uu dhamaaday toona, hadana muhiimadeeda goonida ah ayay lahayd, walina leedahay. Hujuunka D-day wuxu ahaa weerarkii u gu balaadhnaa ee bani-aadam qaado, isla markaana, wuxu sabab u ahaa in dabshidkii Dagaalkii Labaad uu sanad ka dib soo gabagaboobo. Dagaalkii Labaad iyo hujuunka D-day toona wax badan oo na ga khuseeya hadii aan Soomaali nahay ma ogi, wax se I soo jiitay, sidii ay suugaanyahanada Soomaalidu u ga fal-celiyeen dhacdooyinkaas taariikhi ga ah. Wixii maalintaas dhacay, iyo natiijadii ka dhalatay oo ahayd soo af-jariddii Dagaalkii Labaad ayaan si kooban wax u ga sheegi, waxaanan soo qaadi qaybo ka mid ah suugaantii ay Soomaalidu xiligaas ka tiriyeen dagalkan.
– Qarka Oruba, qaaliga France, qooriyada Marsey.
– Quruxda Almaaniya (Germany) iyo dhulkii, Muuse (Mussolini) la ga qaaday.
– Qalcadihii burburay reerahay, Qadhaydu yeedhaysay.
– Taangiga qafilan maalintuu, qaatay Minawaarku – (Markab dagaal).
– Wuxu qalinku meeraba markii, laysu wada qoofay.
– Qabaa rag isu geeyaye markay, qaraxday baaruudu.
– Ninna la ma qasbine waw qasdeen, inay qasaaraan.
(Waa Abwaan Timacade, oo I noo sharaxaaya dhulkii wax ka dahcaayeen, aaladihii la adeegsaday, iyo asbaabtii dirirta keentay ba)
Maalintan D-day ee 6 June, 1944, waxa loo diyaar garoobaayay muddo sanad ah oo ka horaysay. La ga soo bilaabo 1939 kolkii dagaalku bilaabmay, badiyaa waxa gacanta sare lahaa xoogagii Jarmalka, oo badda, circa iyo dhulka ba ku adkaaday, Yurub badankeed na gacanta ku dhigay. Xoogagii huwan ta ahaa ee Reer-galbeedka, oo America ay hormuud u tahay waxay dabridka maalintan D-day u diyaariyeen in ka badan 150 kun oo askari, 4000 markab oo dagaal, iyo 12 kun oo diyaaradood oo circa xeebta Normandy qariyay subaxnimadii 6 June, 1944. Quwadii binu aadam ee dagaal iyo dil loo adeegsado middii u gu xoogga badnayd baa maalintaas la isticmaalay. Gabal-dhicii maalintaas 6da June, 1944, dad ka badan 10 kun oo qof baa wax la dilay, wax dhaawacmay iyo wax la qafaashay isugu jiray. Dabshidka maalintan caanka ah ee D-day loo bixiyay waxa la qorsheeyay kolkii hore in uu noqdo 5 June, 1944, laakiin jawiga oo aad u xumaa awgeed, Janaral Dwight Eisenhower oo ciidamada huwan ta hogaaminaayay ayaa hujuunkii qorshaysnaa dib u dhigay muddo 24 saacadood ah.
Jarmalku way filaayeen in la soo weeraraayo, laakiin goobta iyo goorta hujuunka loo qorsheeyay ayaanay garanaynin. Adolph Hitler iyo Janaralaadiisa oo dhami waxay moodaayeen in bishii May oo jawigu aad u wacnaa hujuunka wayni dhacaayo, xeebta Kaalee (Calais) na ay tahay meesha dirirtu ka bilaabmayso, laakiin sidaas ma ahayn. Xogta ku saabsan goobta iyo goorta dagaalku bilaabmaayo waxay ahayd sir culus, oo xataa aanay ka war qabin janaraaladii u gu sareeyay ciidamada Huwantu. Habeenkii ka horeeyay 6 June, 1944, ayay kumanaan diyaaradaha Huwanta ahi ciidamo baarashuud la gu daadiyay ku dajiyeen meelo ka dambeeya difaacii ciidamada Jarmalka ee xeebta Normandy, oo ah halka loo qorsheeyay in dagaalku ka dhaco. Ciidamada hawada la ga daad-gureeyay waxa ku xigay diyaaradaha bambaanooyinka xambaara oo sida roobka oo kale u garaacay difaacyadii adkaa ee Jarmalku ay ka sameeyeen xeebaha Normandy. In kasta oo ciidamada Jarmalku ay ka diyar garaw wacnaayeen kuwa Huwanta, hadana tiro ahaan baa la gu qarqiyay waa na la jiidhay.
Muddo hal usbuuc ah ayay Huwantu xeebaha France ku keeneen ciidamo xoojin ah oo gaadhaaya 600 oo kun oo askari iyo 90 kun oo baabuurta ciidamadu isticmaalaan ah. Dhimasho iyo burbur baaxad leh baa ka dhacay dhulkaasi, muddo laba bilood gudahood ah na, ciidamada Huwantu waxay qabsadeen magaaladda Paris. Charles de Gaulle iyo ciidamadii xoraynta Faransiiska ee jabhadda ahaa baa Paris wadooyinkeeda dhex lugeeyay. Xiligaasi waxa soo baxay, sida dib la ga ogaaday, in ciidamadii Huwanta, gaar ahaan kuwii Faransiisku ay askartii Afrika ka soo jeeday ee la dagaal gashay cunsuriyad ku la kaceen, iyaka oo ka reebay ciidamadii wadooyinka soo maraayay ee guusha muujinaayay. In kasta oo isku si loo dhintay, loo na dagaalamay, hadana cunsuriyaddu na waa garab socotay. Soomaalida ayaa ka mid ahayd askarta waagaas la yidhi waa madaw ee meelahaas ku qariya. Niman la soo gaadiid qaatay, oo aanay dagaalka wax u ga cabaaba jirin bay ahaayeen.
Arintaas waxa geeraar ku sheegay nin la odhan jiray Maxamed Nuur-laangadhe, oo ka mid ahaa gabayaa badan oo Soomaaliyeed, oo Ingiriisku ka dalbaday in ay suugaan dacaayad dagaal ah (war propaganda) tiriyaan, si Soomaalida loo gu sheego in goobaha dagaalka oo dhan Ingiriisku ku gacan sareeyo. Maxamed Nuur-laangadhe oo sheegaaya in aan dagaalkaas Yurubiyan ka wax ka galay jirin, ayaa geeraar can noqday tiriyay, waxaana ka mid ahaa qaybahan:
– Gudaha ceelka Hargeysa.
– Inta aan wax gasiintiyo
– Intaan gaajo ku seexday.
– Hadii aan isu geeyay.
– Tirada waa isku gaw’e.
– Labadan gaal ee is dilaaya.
– Ee abtirsiimo gudboon.
– Maxaan mid u gumayn
– Mid na guusha u siinee.
– Aniga ii ga gidhiish ah?
– Kol hadaan gurigayga.
– Garnayl loo la tagaynin.
– England waa la galay iyo.
– Baarliin baa gubanaysa.
– Maxaa ii ga gidhiish ah?
– Kol hadaan ka gabyay
– Go’aygii na ka qaatay.
– Maxaa ii ga gidhiish ah?
Si kastaba, maalinta D-day la baxday dabshidkii bilaabmay, wuxu keenay in ay si joogto ah ciidamada Jarmalku dib u gu gurtaan. Ka dib Paris, ciidamada Huwantu waxay u dhaqaaqeen dhinaca Bariga iyo Belgium, waxa ay na gacanta ku dhigeen dekedda wayn ee Antwerp. Tani waxay Huwanta u suurto-galisay in ay shidaalka, hubka iyo saadka si sahlan u gu daabulaan ciidamadooda dagaalka ku jira. Marka kaliya ee Huwanta la jabiyay ama la joojiyay waxay ahayd kolkii ay u dhaqaaqeen dhinaca Holland. In kasta oo magaalooyinka Eindhoven iyo Njmegen ay guulo ka keeneen ciidamo baarashuud la gu keenay oo Maraykan ahi, hadana dagaalo qadhaadh oo ka dhacay magaalada Arnhem ee Holland ayay ciidamada Jarmalku ku jabiyeen ciidankii Ingiriiska ee loo yaqaanay Jinka Cas (The Red Devil). Dhacdadaas Arnhem in yar uun bay hakisay socodkii ciidamada Huwanta, laakiin hadana dib bay u amba qaadeen gulufkii.
Isla xiligaas ay ciidamada Huwantu Galbeedka Yurub ka dagaalamaayeen, dhinaca bariga waxa iyana Jarmalka ka la soo dagaalamaayay, ciidamadii Soofiyeedka oo Ruushku hor kacaayo. Waxay bilaabeen sanadkaas 1944, in ay Jarmalka dib u ga qabsadaan magaalooyinka Stalingrad [Volgograd], Moscow, iyo Leningrad [St. Petersburg]. Ka dib na, waxay Ruushku Jarmalka ka soo saareen Finland, Poland, iyo Romania. Dhamaadkii July, 1944, ciidamadii Soofiyeedku waxay 50KM kaliya u soo jireen caasimadda Poland ee Warsaw. Dhacdo foolxun baa xiligaas ka dhacday Poland, hogaamiyihii Soofiyeedka (Josef Stalin) ayaa na khiyaameeyay shacbiga wadankaasi. Idaacadda Moosko ayaa la hadashay dadwaynaha Poland, waxay na ku boorriyeen in ay ku kacaan oo la dagaalamaan ciidamada Jarmalka ee dhulkooda jooga, sidii baanay yeeleen.
Ciidamo Poland ah oo ka badan 40 kun ayaa kacdoon Jarmal diid ah ku kacay, laakiin si xun baa loo jabiyay, Soofiyeedkii dabka galiyay na si badheedh ah bay u ga seexdeen. Josef Stalin waxa uu ogaa in ciidamada kacdoonka sameeyay ee Poland aanay shuuciyadda la haynin. Sidaas darted, waxa uu go’aansaday in uu Jarmalka iyo dadka Poland ee dagaalamaaya isu daayo inta ay is ku dhamaanayaan, ka dib na, labada dhinac ba iyaka oo tag daran uu kubadda ka dhex qaado oo magaaladda Warsaw qabsado, sidii uu Josef Stalin doonaayay bay na u dhacday.
– Ninkii kibir-hawoodaba, midbaa xadhig ku keenayne.
– Konton mayl hadaa loo jiraa, Karintii Baarliine.
– Kurtin qiiqayaa labada dhinac, la ga kulaalaaye.
– Muslimiinta Eebboow kor yeel, Koodu waa sahale. (Xassan-tarabi)
Si kastaba, dhamaadkii 1944 (afar bilood ka hor dhamaadkii dagaalka), xaaladdu aad bay u gu adkaatay Hogaamiye Adolf Hitler. Bariga waxa ka ga soo qulqulaayay ciidamadii Soofiyeedka oo Poland ka soo gudbaayay, Galbeedka na waxa ka ga soo durkaayay ciidamada Huwanta. Xiliyadaas amuuruhu ay dhanaanaadeen, xataa Mr Hitler saraakiisha ciidankiisu waxay isku dayeen in ay khaarajiyaan, laakiin wuu ka badbaaday bambaano la gu qarxiyay. Sidaas oo ay tahay, hadana Hitler waa diiday in uu is dhiibo, dagaalkii na si naf la caari ah buu ku sii waday dhawr bilood oo kale. Ciidamadii Jarmalka khaasaare badan oo is daba joog ah baa soo gaadhay, bishii Febraayo ee 1945 na, dib bay u gurteen iyaka oo ka gudbay wabiga Rhine ee caanka ah. Dhul-waynihii Jarmalka ayaa hareeraha la ga soo galay, ciidamadii Huwanta iyo kuwii Soofiyeedku na iyaka oo guulaystay bay kulmeen.
Odaygii Hitler ahaa waxa uu sugay ilaa intii si balaadhan loo burburinaayay magaaladii Berlin oo Soofiyeedku ay si xun u duqeeyeen. Halkaas kolkii ay maraysay, ee caasimadiisii meel kastaba bambaano iyo madfac duulayaa ay qariyeen, ayuu garawsaday in guul-daro la ma huraan tahay, isaga ayaa na gacantiisa is ku dilay. Madaxa ayuu is ka toogtay baa la sheegaa. Sidaas taariikh yahanno badan baa qaba, laakiin muddo ka hor, barnaamij dhinaca taariikhda ah (The Witness, BBC World) waxa la gas ii daayay hadal ay sanado badan ka hor sheegtay gabadhii Mr Hitler xog-haynta u ahayd, waxa ay na tilmaantay in uu kiniin sun ah qaatay. Waxay gabadhaasu tidhi, Mr Hitler maalmihii u dambeeyay noloshiisa cid kasta ba wuu ka aamin baxay, xataa dhakhtarkiisu kolkii uu u keenay kiniinkii sun ta ahaa ee uu dalbaday, waxa uu amray in kiniinka la gu tijaabiyo ey giisii bal in kiniinku yahay mid wax dilaaya iyo in kale. Kolkii la siyay ba eygii yaraa ee miskiinka ahaa wuu dhacay, Hitler na wuu aqbalay in uu kiniin sun ah yahay. Ka dib isaga iyo saaxiibadii Eva Braun ayaa cunay, sidaas bay na ku socdeen.
Hal usbuuc ka dib geeridii Hitler, ciidamadii Jarmalka wixii ka hadhay oo ka badnaa hal milyan waa is dhiibeen. Ciidankii han ka waynaa, ee dagaalada badan soo galay waxay isu dhiibeen ciidamadii Huwanta iyaka oo ka ordaaya kuwa Soofiyeedka. dhisme iskuul oo ku yaalla magaalada Reims, oo ku taala Waqooyi Bari ee Faransiiska ayaa 7dii May, 1945, 3 galabnimo labadii dhinac ee ka la adkaaday heshiis is dhiibid ah ku ka la saxeexdeen. Dhinacii Jarmalka waxa heshiiska u saxeexay Janaral Alfred Jodl, waxa uu na hadal kooban ku yidhi, ciidamada iyo dadka Jarmalku waxay hadda la ga bilaabo isu dhiibeen ciidamada Huwanta, xumaan iyo samaan kii ay keento ba. dhinaca kale na Janaral Dwight Eisenhower oo ahaa taliyaha ciidamada Huwanta ayaa u saxeexay. Wixii Jarmalku ay saanad ciidan lahaayeen (hub, maraakiib iyo diyaarado) waxa qaybsaday xoogagii Huwanta. Waxa sidoo kale la qaybsaday dhulkii Jarmalka, iyo xataa saynisyahanadii warshadaha ciidamada Jarmalka ka shaqaynaayay.
Dagaalkii Aduunka qaybtii Yurub iyo Afrika ka socotay halkaas ayay ku dhamaatay, aad na waa loo ga dabaal dagay wadamadii huwanta (Yurub iyo America). Sidaas oo ay tahay, laba amuurood ayaa farxadii dhamaadka dagaalka hoos u dhigay, waxay na ka la ahaayeen, dhimashadii tirada badnayd, iyo kaamamkii xasuuqqa ee Jarmalku ay ku gumaadeen umadihii badnaa ee Yuhuudda iyo Yurubiyan ka kale ba lahayd oo aan hore loo ga war qabin, iyo dagaalka qaybtii Pacific ga ee Japan iyo America oo wali si qadhaadh u socotay. Dagaalkii labaad wuxu ahaa mid aan horey u soo marin aadamaha tan iyo bilawgii dunida, khasaaraha naf iyo maal ba lahaa ee ku baxay na ilaa hadda tiro cayiman la ga ma hayo. Waxa la sheegaa in dadka dhintay ay 50 malyan gaadheen, laakiin way ka badan kartaa.
Aadamuhu tamar aqooneed iyo mid dhaqaale ba wixii ay heli karaayeen waxa ay isugu geeyeen sidii ay u heli lahaayeen hub aadamaha laftiisa la gu gumaado, waxaana la ga gaadhay heerkii u gu sareeyay, u gu na halista badnaa. Tusaale ahaan, lix dii sanno ee dagaalkii labaad uu socday, bilaw ilaa dhamaad, wixii hub la riday oo dhan hadii la isku wada daro, waxa ka baaruud iyo qarax wayn, ka na burburin badan, hal gujis oo kuwa nuclear ka xambaara ah ee haatan wadamada qaarkood ay haystaan. Hadii si kale loo sheego, bani aadamku wuxu sameeyay sanco sabab u noqon karta dhamaadka nolosha aadamaha oo dhan, laakiin ilaa hadda la ma samaynin aalad ama aaladdo sabab u noqon kara nolosha iyo ladnaanta aadamaha oo dhan. Sida loo gu kakanyahay, ee loo gu dadaalaayo asbaabta halaaga, hadii nuskeed la galiyo asbaabta nolosha, wax badan baa sida manta xaalku yahay ka wacnaan lahaa.
Qalinka: Maxamed Haaruun
Tixraac:
1. Www.VOA.com (The making of a nation)
3. www.bbcnews.com (to day in history)
4. www.euronews.com (Facts you may not know about D-day)
/2014/06/03/70-years-on-amazing-facts-you-may-not-know-about-d-day/