Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka..Q.2aad
Qormadii hore waxaan ku iftiimiyay himiladii Madaxweyne Axmed-siiraanyo uu doonaayay inuu ku hagaajiyo cadaalada ee fashilantay.
Qormadan maanta waxa aan ku soo bandhigi doonaa cida ka masuulka ah musuq-maasuqa ka dhex aloosan waaxda garsoorka.
Garsoorayaasha maxkamadaha dalka ka hawl gala markii hore waxa u badnaa kuwo aan aqoon ku filan lahayn sidaa darteed ayaa madaxweynahu magacaabay gudoomiyaha maxkamada Sare isla markaana ah gudoomiyaha maxkamada dastuuriga, ahna gudoomiyaha gudida cadaalada Md.Yusuf Ismaaciil.Kadibna garsoorayaal jaamaciyiin ah ayaa wasaarada cadaaladu magacawday ayadoo arrinkaa uu fuliyay Gud.maxkamada Sare.Si tayada garsoorka kor loogu qaado.Aqoon-yahanadaa ayaa si daacad ah uga hawl galay maxkamadaha gaar ahaan gobolka M/jeex.Waxay xoog saareen sidii ay:
1.Dacwadaha loo dedejin lahaa.
2.Dhawraan xuquuqda muwaadiniyiinta una sinnaadaan.
3.Joojiyaan eex ku xooganayd maxkamadaha.
4.Yareeyaan laaluush xad dhaaf ahaa oo ka jiray maxkamadaha.
Balse garsoorayaasha jaamaciyiinta ah ee hawlahaa doonaayay inay hirgeliyaan oo ay ka jawaabaan himiladii madaxweyne Axmed-siiraanyo waxa dhaawac weyn u gaystay silsilad maafiya ah oo ay cadaaladu u afduubantahay.Halkaa waxa ka curtay isku dhac ka yimi:
1.Eex gaamurtay oo ku habsatay dacwadaha.
2.Ganaax garab mara qasnada dawlada oo ku dhaca jeebab gaar ah.
3.Gacan qaloocda(Laaluush) soo jireen ah.
Nin baa laga hayaa(Dhado roob noqon wayday).Nin kalana waxa laga hayaa(Nin daad qaaday xunbo cuskay).
La Soco…….
Xuseen Xasan Badmaax
4026100
Hargeysa/JSL