Budhcad-badeedda Hobyo Oo ay Ka Baxsadeen 11-Shaqaale Markab Oo ay Madaxooda Ku Baayaceen 8-million Oo Dollar
Galkacyo:June,08,2014(SDN/QJ)-Budhcad-badeed soomaaliyeed oo ku sugnaa Deegaanka Hobyo ee Puntland ayaa waxa Gacantooda ka Baxay 11 kamid ah ShaqaalE saarnaa Markabkii Mv Albedo oo ay muddo gacanta ku Hayeen.
Shaqaalahan ayaa orodkii ku soo Galay Magaalada Galkayo kadib markii ay si dhuumasho ah uga soo Baxsadeen Gacanta Budhcaddii muddada Haysatay.
Markabka ay shaqalahani saarnaayeen ayaa Gacanta Budhcadda ku jirey Muddo Afar Sano ku dhaw, waxana Muddadaas ay sheegayaan jidh dil iyo dhibaatooyin kale oo ay la Kulmayeen.
11ka naakhuude ayaa la sheegay inay kasoo baxsadeen gurigii lagu hayey kadib markii ay gacan ka heleen xubno kamid ah budhcad badeedii heysatay oo u fududeeyey in si qarsoodi ah lagu keeno koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.
MV Albedo ayaa ahaa markab nooca xamuulka qaada oo sitay calanka dalka Malesiya, waxayna mukiilayaashii markabkaasi lahaa oo kasoo jeeda dalka Iran ay diideen inay bixiyaan 8 milyan oo madax furasho ah oo ay codsadeen budhcad badeeda.
Markabkan ayaa sanadkii lasoo dhaafay degay waxaana bada ku dhintay shan kamid ah shaqaalihii markabkaasi iyo waliba qaar kamid ah budhcad badeeda. Balse intii kale shaqaalaha ayaa tan iyo xiligaasi lagu hayey guri ku yaal magaalada Hobyo.
Shaqaalaha Markabkan saarnaa oo gaadhayey 23 ayaa kasoo kala jeeda dalalka Malesiya, Iran, Bangaladheesh, Sri Lanka, India iyo Pakistaan.
Balse shaqaalihii kasoo jeeday dalka Pakistaan ayaa hore loo siidaayey kadib markii nin ganacsade Pakistaani ah uu usoo aruuriyey lacag gaadheysa 1.2 milyan oo dollar, hase yeeshee intii kale shaqaalaha ayaa afduubka lagu siihayey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com