|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Diiday Talo Turkigu Ugu soo jeediyey Inuu Ka Baaqdo Dhaarta Ziizi iyo Cawaaqibka ka Dhalan Kara

Ankara:June,08,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa la sheegayaa inuu iska Dhegotiray ka qaybgalka Munaasibadda Dhaarta Maanta Dalka Masar loogu samaynayo Madaxweynaha cusub ee Siisi.

ordagan_xasan-shekh2Turkiga ayaa madaxweyne Xasan us oo jeediyey inaanu ka qaygelin Munaasibaddaas, isla-markaana aanu qayb ka noqon waxa ay Dawladaha qaarkood aaminsan yihiin ee ah inuu dalkaasi ka dhacay Afgembi buuxa oo xilkii lagaga tuuray Madaxweyne Sharci ah oo la soo doortay.

Turkiga,Qatar,Tuniisiya,Marooko,Malaysia iyo Indonisia ayaa diiday inay ka qeyb-galaan Xafladda Caleemo-saarka ee General Alsisi,maadaama Madaxweynihii sidii xorta ahaa lagu doortay ee Maxamed Morsi uu ku jiro Xabsi,halka uu Alsisi xasuuqay ugu yaraan 7500-Masaari ah.

Madaweyne Xasan  ayaa ka diiday taladii Turkiga,wuxuuna ku wargeliyay sababta uu Qaahira u tagay inay tahay inuu ka faa’ideysto Madaxda iyo Diplomaasiyiinta Reer Galbeed ah oo Xafladda Caleemo-saarka Alsisi ka soo qeyb-galaya.

Dawladdaha Mareykanka iyo Reer Yurub ayaa ka gaabsaday Wufuud Madaxweynayaal ama Wasiiro inay Caleemo-saarka u diraan,balse waxaa Wakiilo ka noqonaya Safaaradaha ay Qaahira ku leeyihiin.

Talaabada uu Xasan Sheekh  ku Go’aansaday inuu ka dhinac maro Talada Turkiga ayaa sababi karta inuu waayo Taageerada ballaadhan ee Dalkaasi siiyo Somalia iyo dib u dhiska uu ku wado, waxana suurtogal ah in dib loogu noqdo Taageeradii hagar la’aanta ahayd ee uu dawladda Xasan Sheekh la garab taagnaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed