|

Wasiir Cukuse oo Albaabada u laabay Guriga Fannaaniinta, Qandaraasna ku bixiyey Xaraashka Qalabkii ay bulshada ugu adeegayeen

Haraysa June 08, 2014(SDN/QJ)-Wasiirka warfaafinta Somaliland C/laahi Cakuse ayaa Albaabka usoo xidhey gurigii fanaaniinta Somaliland ay ugu adeegijireen bulshada kuwaas oo samayn jirey wacyigalinta bulshada una badnaa inay dadka hab suugaaneed ku tusaan wixii qaloocan ee loo baahanyey in la saxo.
Abwaaniintii iyo haldoorkii suugaanta oo ay ka midyihiin Xasan Xaaji C/laahi ( Xasan Ganey) Axmed Saleebaan Bide iyo Fanaaniintii waa wayneyd ee kale ayaa qalabkii ay ku shaqaynaayeen uu wasiir cakuse ka soo qaadey waxaanu Soo xidhay gurigaa ay bahweynta suugaantu isugu iman jireen.

Warar xogogaala ayaa rasmimedia u xaqiijiyey in uu wasiirku damcey inuu alaabta iyo qalabka ay ku shaqeeyaan dib uxaraasho taasi oo timi xili ay Miisaaniyadii Wasaaradu lagaran la’yey meel la mariyey lana sheegey in qasnadii aaney waxba haatan ku hadhsaneyn.

Shaqaalaha ayaa dhawaan inta waxa yar qaadanjirtey ay soo waajihidoontaa musha har la’aan taasi oo la sheegey in uu horey wasiirku ugala baxay miisaaniyada haatana uu xaraash udiyaariyey dhamaan qalabkii ay ku shaqeynaayeen bahda Suugaanta Somaliland.

Isku soo wada duuboo wasiirka ayaa intii uu joogey London lakulmay jaalid ka daashey baryada iyo dawarsiga/tuuqsiga madaxda hadba la soo diro ee usoo doonta wax ay iyagu ubixiyeen Gacan marin taasi oo sanadkan aan wax gacan maris ah loo taagin ragbadan oo wasiirku ka mid ahaa oo soo doontey Lacago leysugu daro waxaana ay arintani keentey markii ay miisaniyada wasaaradu dhamaatey in Wasiir Cukuse uu Albaabada u laabay Guriga Fannaaniinta, Qandaraasna ku bixiyey Xaraashka Qalabkii ay bulshada ugu adeegayeen.
 XIGASHO Rasmimedia

Comments are closed