|

Ciidamo Marines ah oo lagu siyaadiyay ilaalada Safaarada Mareykanka ee Nairobi

Nairobi June 07, 2014(SDN/QJ)-Ciidamo ka tirsan Marineska Mareykanka ayaa lagu biiriyay ilaalada Safaarada Mareykanku ku leeyahay magaalada Nairobi.

Ciidamadan ayaa lagu biiriyay ilaalada ka dib kolkii ay Mareykanku ka war heleen weeraro ay Shabaabku qorsheynayaan in ay ku qaadaan goobaha reer Galbeedka ee Kenya.

Safiirka Mareykanka ee Kenya Robert Godec ayaa sheegay in in ay ka warhayaan qorsheyaasha Shabaabka mar uu la hadlayay muwaadiniinta Mareykanka ee Kenya ku nool.

Arinkan ayaa imanaya maalmo ka dib kolkii ay Shabaabku weerar ay ku qaadeen Maqaaxi ku taal Jabuuti ay ku dhinteen laba ruux,halka ay askar reer Galbeed ahina ay weerarkaasi ku dhaawacmeen.

Mareykanka ayaa digniino isdeba jooga ka soo saarayay todobaadyadii u danbeeyay xaalada amaan ee dalalka Geeska Africa.

SDN/QJ-Nairobi

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed