|

Somaliland:Bilaash-xayte-yaal Doc-faruuraya Dedaalada Guurtida Oo Labada Dhinac U Kala Dab-qaadaya Oo Loo Maara La’yahay

Hargeysa:June,07,2014(SDN/QJ)-Waxa Culays Badani iyo Carqalado aan kala Go’ lahayn  Ka horyimaaddeen Dedaaladii Xubnaha ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ay ku dhex dhexaadinayeen Labada Garab ee uu u kala jabay Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye.

sedcrCarqaladda ugu weyn ee Kooxdan Haysata ayaa sida ay ilo-wareed ku Heshay Shabakadda Qurbejoog.com ah Kooxo aan Ujeeddadooda la fahmin oo sheegayana inay isku xilqaameen Badbaadinta qaranka oo  middi-roortaynaya  Dedaalada Guurtudu waddo, isla-markaana hawlo dano gaar ahaaneed ku lammaan yihiin barbar wado iskudayga ay Guurtidu doonayaan inay ku Afjaraan Khilaafka.

Kooxahan carqaladda wada ayaa inta Badan u Badan Madax-dhaqameed ku mamay Siyaasadda, isla-markaana Masaariifsada Khilaafyada iyo isku dhaca ku yimaadda Bulshada dhexdeeda oo haatan Arrintan u arka Fursad ay mar kale Boodhka kaga jafi karaan Isku daygooda Dhuuni raaca ah ee ay ku macaashaan.

Qoladdan ayaa  la sheegayaa innay yihiin kuwo ku dhaqan  dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, balse ku Badan Caasimadda,waxana ay Hadallo  intaa wadaan Hadallo Deel-qaaf ku ah Dedaalka la wado,  isla-markaana Sababi kara  in la sii kala fogaado ama Bulshadu kala qaybsanto.

Kooxahan ayaa sidoo kale xirfad ay ku macaashaan ka dhigtay inay Taageero gaar ah u mujiyaan Qaybo ka mid ah garabada is haya, isla-markaana  Warbaahinta mariya  Hadallo xanaf leh oo Bulshada kala rari kara, utunta xalkeeda lagu hawllan yahayna ka dhigi kara mid aan hore loo heli Karin.

Xubnahani kaliya ma aha Madax-dhaqameed, balse intooda badan waxa hoosta ka wada oo Dabada ka riixaya siyaasiyiin dantooda ka dhex arka inay ku jirto Khilaafka oo sii ballaadha iyo Bulshada oo sii kala fogaata, waxana intooda badani muujiyeen inaan iyaga La’aaantood aanu Khilaafku Dhammaan Karin.

Qolada Guurtida ah ee Arrinta Gacanta ku Haysa ayaa khaati ka taagan Bilaash-xaytayashan sheeganaya inay is xilqaameen, waxana Dedaalkoodu haatan ka tallaabsan la’ yahay Turaanturrooyin iyo Dabinno ay kooxdaas  is xilqaamaysaa daadinayso, waxana la sheegayaa inay dhawr goor codsadeen in Arrinta faraha looga qaado oo la joojiyo Dox-farruurka lagu hayo dedaalkooda.

Inta Badan salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka Hadlay khilaafka Kulmiye, waxana intooda Badani muujiyeen inay dhinac u xaglinayaan oo aanay  dhexdhexaad ka ahayn Khilaafka, iyadoo taasina muujinayso inay dadkaasi u orayaan Dan gaaban oo salka ku Haysa Shilimo iyo Dheef yar oo inta Badan Aqalka madaxtooyadu ku Gumaysto Shakhsiyaadka Hamuunta u qaba inay Dhinacooda qabsadaan in Hantida umadda la boobo.

Waxa muuqata in madax-dhaqameedku ay si wada  jir ah intooda badani ugu xaglinayaan in Madaxtooyada arrinteedu tahay mid sax ku taagan oo  laga gardarran yahay, waxana halkaas laga dhex arkaa inaanay lahayn dan ama Han dhaafsiisan in Kooxda Madaxtooyada ku jirtaa Guulaysato, iyagoo dhinaca kalena ku tilmaama kuwa gef ku haya qaranka oo aan istaahilin in gar la siiyo.

Tiro kooban oo ka tirsan waxgaradka iyo Salaadiinta dalka ayaa iyagu si miyir qabta Guurtida ugu baaqay inay Arrinta xalkeeda raadiyaan, isla-markaana ay ku dedaalaan inay Dhexdhexaadnimo ku soo afjaraan Dhibka keenay Warwarka iyo Walbahaarka shacabka Niyadoodii ku yimi.

Guurtida arrinta ku jirta ayaa wali ku Hawllan sidii ay u heli lahaayeen Xal labada garab ku wada Qancaan, waxana ay ku dedaalayaan inaan Faqooda iyo  isku soo jiididda ay wadaan marnaba dibadda u soo bixin, balse waxa  mar walba Xalkooda kala dhantaalaya Hadallo dhiif leh oo ka soo yeedhaya Qaar sheeganayaa Salaadiin iyo Aqoon yahano oo soo tuuraya Waxa qaranka dhibaato ku ah.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalididasporanews.com

Comments are closed