|

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Dhigiisa Ankara(SAWIRO)

Ankara June 07, 2014(SDN/QJ)-Guddomiyaha G/Banadir Brig. General Xasan Maxamed Xuseen (Mungab) oo booqasho ku joogo Wadanka Turkiga ayaa maanta la kulmay dhigiisa Magaalada Ankara ee Caasimadda wadanka Turkiga Mr Alaadin Yuksel oo ah Gobolo tooraha Gobolka Ankara.

 

Labada Guddomiye ayaa kulankoodu waxa uu ahaa midkii ugu horeyay oo ahaa isbarasho iyadoo ay labada mas’uul isla soo hadal qaadeenahmiyadda ay leedahay in labada Gobol uu iskaashi dhax maro lagana  wada shaqeeyo dhinacyada Tababarada, horumarinta iyo arrimo kale oo muhiim ah.

 

Sidoo kale Guddomiyaha G/Banadir ahana Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha hey’adda TICA Mr. Serder isagoo gudoomiyaha ku amaanay hey’adda TICA wax qabadka la taaban karo ee ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho

.

Madaxweynaha TICA ayaa goobta shaaca uga qaaday in TICA ay u soo magacaawday Mas’uul cusub howlahooda Soomaliya isagoo mas’uulka uu qeeb ka ahaa shirka maanta ay wada galeen Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha TICA.

 

Guddomiyaha G/Banadir ayaa u balan qaaday hey’adda TICA ee Turkiga in ay ula shaqayn doonaan si hufnaan iyo wax tar ku jirto iyadoo dhanka TICA ay aad ugu hambaliyeesay Gudoomiye Mungab wada shaqaynta iyo maamul wanaaga uu ku hogaaminayo Gobolak Banadir iyo Dowladda hoose ee Muqdisho.

 

Guddomiyaha Gobolka iyo Hey’adda TICA ayaa sidoo kale isla afgartay ahmiyadda ay leedahay in tababaro la siiyo shaqaalaha Dowlada Hoose taaso asaas u ah isku filnaashaha dhan walbo ah uu doonayo in uu gaaro maamulka G/Banaadir.

 

Sidoo kale hey’adda TICA ayaa Guddomiyaha balan qaadyo u sameysay kuwaasoo ku aadan dhanka hirgalinta warshado yar yar oo wax soo saar ku waasoo laga sameeyo caasimadda Muqdisho iyadoo taasi ay qeeb ka qaadan doonto shaqo abuurka dhalinyarada caasimadda Muqdisho.

Displaying [[.jpg

Displaying ===.jpg

Displaying ggg.jpg

Displaying lllll.jpg

Displaying llllll.jpg

Displaying ppppp.jpg

 

 

Abdifitah Omar Halane

Communication Director( BRA

Comments are closed