Saldhigga Degmada Hiliwaa Oo Habeenkii Xalay Lagu Weeraray Bam-gacmeedyo
Muqdisho:June,07,2014(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii Xalay Bambaanooyinka Gacanta laga Tuuro Lagu Weeraray Saldhiga Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.
Tirada Mambaanooyinka Habeenkii Xalay lagu Tuuray Saldhigga ayaa lagu sheegay ugu yaraan inay ahaayeen Saddex oo Bam oo kala Dambeeyey.
Kooxdii Weerarka Geysatay ayaa la sheegayaa inay Goobta ka Baxsadeen Ka hor intii aanay Ciidanka Ammaanku Rasaas ku furin Goobtii ay uga Shakiyeen inay Weerarku kaga Socdo, mana la sheegin wax cid ah oo arrintaas loo soo qabqabtay.
C/xafiid Max’ed Xirsi oo ah Gudoomiye Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Degmada Hiliwaa ayaa warbaahinta u sheegay in Bambaanooyinka aanay wax Khasaare ah geyysan.
“Koox aan Aaminsanahay in ay yihiin Al-shabaab ayaa Xalay Dhowr Bam ku soo tuuray Saldhiga Degmada,Wax Khasaare ah ma geysan oo Meel Cidlo ah ayey ku dhaceen Dhaman”ayuu yidhi C/xafiid”
Degmada Hiliwaa oo dhacda Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa Maleeshiyada Al-shabaab waxaa ay ka geystaan Dilal iyo Weeraro ay ku soo qaadaan Fadhiisimaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Ciidanka Aagaas Joogaa ayaa inta Badan ku jira Taxaddar iyo feejignaan Badan, waxana ay taasi yaraysaa Khasaaraha weerarrada Shabaabku ugu talo galeen inay ku dhibaateeyaan Ciidanka iyo cidii kale ee Xidhiidhkooda ay ku tuhunsan yihiinba.
SDN/QJ
Contact@somalididasporanews.com