|

Saddex Kenyan ah Oo Muddo Laba Sano ah Afduub Loogu Haystay Somalia Oo La Sii Daayey

Gaalkacyo:June,07,2014(SDN/QJ)-Waxa Oodda Laga Qaaday Saddex shaqaale Gargaar oo lagu afduubtay dalka Soomaaliya oo Muddo laba Sano ku dhaw Lagu Haystay Goobo ku Yaalla Deegaanada Puntland.

Kenyan Lepapa Moyo walks at the shores of the Indian Ocean outside his beach home in Ras-Kitau on Manda Island in LamuHayadaha gargaarka caalamiga ayaa sheegay in dadka wax afduubay shaqaalahaasi ay qabsadeen bishii july sanadki 2012, iyaga oo ku sugnaa meel kamid ah maamul goboleedka Puntland.

Saddexda  qof ayaa la sheegay in la afduubtay xilli ay ku safrayeen gaadhi, waxaana la socday saddex kamid ah ciidamada booliska Puntland, kuwaasi oo dhaawacyo ay  ka soo Gaadheen Falkaas, bale aan iyaga la Afduubin.

Magacyada saddexda ruux ee lasii daayay ayaa lagu kala sheegay, Janet Kanga, Martin Kioko iyo Cabdi Nuur Boru kuwaasi oo dhamaantood xorriyadoodi dib u helay maalinnimadii Khamiistii ina dhaaftay.

Shakhsiyaadkan ayaa lagu sii daayey Heshiis lala Gaadhay Dadkii ay u afduubnaayeen, waxana arrintaas Door muhiim ah ka ciyaartay Qaramada midoobay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalididasporanews.com

Comments are closed