|

Ethiopia Oo Xasan Sheekh Iyo Ra’isal wasaarihiisa u Gudbisay Liiska Xubno La Doonayo In Lagu Soo Daro Golaha Wasiirrada

Adis Ababa:June,07,2014(SDN/QJ)-Wali waxa Xawaare dheeraynaya ku socda Dedaalada Ethiopia ugu jirto sidii ay Lug ugu lahaan lahayd Dedaalada laga wado Somalia, iyadoo sii wadata saamaynta ay ku leedahay dawlad kasta oo  laga  dhisayo Halkaasi.

rabeWararka hoose ee Addis Ababa ka soo baxaya ayaa sheegaya  uu jiro Soo jeedin cusub oo Ethiopia ku doonayso in liiska Golaha Wasiirrada lagu soo daro xubno ay saaxiib dhaw la tahay oo danaheeda fulin kara.

Shaksiyaadkan ayaa waxa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isal wasaarihiisa si wada Jir ah uga Dalbaday General Gabre oo dhawaan kulan la yeeshay, isla-markaana la sheegay inuu dhameeyey waxoogaa khilaaf ahaa oo labada masuul dhexdooda yaallay.

Xubnaha Ethiopia Codsatay in Golaha Wasiirrada lagu soo daro ayaa wax aka mid  ah Maxamed Sheekh oo laga dhigi doono Wasiirka Amniga Qaranka Somalia oo ah Halbawlaha tiir-dhexaadka ah u Wasiirrada Xukuumadda oo Haatan Bannaan.

 

Shaqsiyaadka kale ee Jeneral Gabre u gudbiyay Madaxda Dowladda Somalia waxaa ka mida Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo loo magacaabi doono Wasiirka Arrimaha gudaha, Xuseen Xalane oo dib loogu celin doono Wasaaradiisa Maaliyadda.

 

Sidoo kale ,Waxaa Ra’iisul wasaaraha Somalia la yaab ku noqotay in Dowladda Ethiopia ku hagoogatay Wasiirka Garsoorka iyo Federalka Xukumadda Somalia Faarax C/qaadir oo safka hore uga jiray Wasiirada la qorsheeynayay inaanay ku soo laaban Golaha Xukumadda Federalka Somalia.

Ethiopia ayaa tan iyo intii ay burburtay Dawladdii dhexe ee Somalia, waxay lug muuqata kula jirtey Hawlaha dawladihii kala duwanaa ee Dalka loo sameeyey, waxana ay Haatan doonayaan inay sidii ay doonaan u maamulaan Hannaanka loo soo xulayo Golaha Wasiirrada.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalididasporanews.com

Comments are closed