Maxamed Kaahin Iyo Odayaal Beeshiisa ah Oo Gondaha Is Daray iyo Dedaallo Labada Kornayl Lagu Kala Fogaynayo Oo Guuldarraystay
Hargeysa:June,07,2014(SDN/QJ)-Waxa Magaalada Hargeya uu Kulan albaabadu u xidhan yihiin ku dhex maray Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed iyo Tiro ka mid ah odayaal-dhaqameedka Beeshiisa.
Kulankan ayaa ahaa mid Albaabadu u xidhnaayeen oo ay Natiijadiisu qarsoodi ahayd, balse wax aka soo baxaya warar dheeraad ah oo muujinaya wixii Halkaas lagaga wada Hadlay.
Sida ayaa sheegayaan Ilo-wareeddada kulankaaasi, waxa Odayaashu ay u sheeegeen Maxamed Kaahin sababta ku kalliftay inuu Ududb-dhexaad u noqdo Olole iyaga ula muuqday mid Madaxweynaha lagaga soo horjeedo oo uu Maxamed Kaahin Hormood ka yahay, waxana ay tilmaameen inaanay arrintaas sinaba u aqbali Karin in laga soo sheego mujaahidka.
Odayaasha ayaa sidoo kale Maxamed Kaahin u sheegay inay doonayaan inuu taageeradiisa isla-garab istaago madaxweynaha oo uu ka daayo Carqaladda iyo doca-docaynta uu ku hayo.
Mujaahidka ayaa la sheegay inuu si fiican u soo dhaweeeyey Fikirka iyo Dedaalka Odayaashu ku doonayaan in Khilaafka Xisbiga dhexdiisa ku jira La Dhameeyo, balse aanu ku faraxsanayn Qaabka ay arrinta u gelayaan oo ah mid ay ka marayaan Dhinac Beelaysan, waxana uu xusay inaan isaga iyo Garabka uu ka tirsan yahay midkoodna wax xumaan ah u haynin Madaxweynaha, isla-markaana aanu ka qayb ahayd Olole madaxweynaha meesha lagaga saaryo oo waxa la iskuu Hayaa ay tahay Mabda’ iyo wax cid waliba xaq u leedahay oo aan cidna laga Baryeynin.
Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu sidoo kale u sheegay odayaasha Ergo ahaan ugu yimi inuu diyaar u yahay inuu ilaaliyo taariikhda iyo dhaxalka madaxweynaha, balse ay jiraan Koox ku xeeran oo doonaysa inay Taariikhdiisa iyo wanaagii uu lahaa ay masaxaan una beddelaan Magac xumo, isaguna uu u Haysto Nasteex iyo qaar wanaagiisa ka talinaya.
Maxamed Kaahin axmed waxa uu xusay inaanu ahayn nin ka soo horjeeda madaxweynenimada Siilaanyo, balse uu hore iyo dambaysaba u ahaa taageere gaar ah, waxase la isku hayaa ay tahay xaq aanay cidina cid kale u diidi Karin oo ah xudunta khilaafka la isku maan-dhaafsan yahay.
Odayaasha ayaa isku dayey inay wax badan tusaaleeyaan maxamed Kaahin, balse waxa uu u sheegay in xisbiga Kulmiye yahya xisbig dimuqraaddi ah, isla-markaana qof waliba fikirkiisa xor u yahay oo aan cidina cid kale u xidhnaan Karin.
Odayaasha ayaa la sheegayaa inay ku qanceen dooddii maxamed Kaahin, maadaama ay xaqiiqsadeen inaanu cadow ku ahayn madaxweynaha oo waxa lagu kala tegay yahay fikir shakhsi ah, waxana ay halkaas ka sheegeen inuu dib iskugu noqdo ooo uu ku dedaalo sidii meesha looga saari lahaa dhammaanba wixii khilaaf keenay, taas oo ahayd waxyaabihii uu isaga laftiisu iyaga ka codsaday inay Si Guud arrinta u galaan oo aanay isku dayin inay shakhsi walba meeshiisa ugu tagaan.
Mujaahidka ayaa odayaasha ka codsaday in waajib uu arrintan daminteeda ka saaran yahay cid kasta oo reer Somaliland ah, balse aanu jirin waajib si gaar ah iyaga beel ahaan u saaran, waxana uu u soo jeediyey in wixii turxaan bixin ah ee ay samaynayaan ay ahaadaan mid ay kala tashadaan Beelaha kale ee Reer Somaliland, maadaama waxa laga Hadlayaa ay tahay Masiirkii umadda oo dhan.
Ma Yara isku dayayada la wado ee la doonayo in khilaafka kulmiye lagu soo celiyaa, balse wali lama Hayo wax Natiijo ah oo arrintan laga Gaadhay, balse Dedaaladdu wali waa ay socdaan oo ma ay joogsanin.
Kulankani waxa uu Maalin-nimadii Arbacadii ka dhacay Magaalada Hargeysa, waxana la sheegayaa in Odayaashii Maxamed Kaahin u Tegay ay sidoo kale ku hawllan yihiin Galaangal kale oo ay la leeyihiin Guddida Xalka Gacanta ku Haysa oo ay talooyin siinayaan.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalididasporanews.com