Safiirka Maraykanka ee Nairobi oo Wadnaha Farta ku haya,Cabsi uu ka Qabo in la Qarxiyo
Nairobi 07.June 2014 (SDN/QJ)- Safiir ka safaaradda ugu awooda badan dalka Kenya ee waddanka Maraykanka,ayaa ka werwersan in la weerarro safaaradiisa isla markaana lala beeqsado qaraxyo is miidaamin ah.
Ku sinnaan muddo hadda laga joogo shan iyo toban sano iyo dheeraad,ayay ahayd markii weerarro is-miidaamin ah lagu qaaday safaaraddan uu Maraykanku ku leeyahay Xarunta dalka Kenya ee Nairobi,imikana waxaa soo baxaya shakiyo ay diblamaasiyiinta safaaradda Maraykanku ka qabaan In lala beegsado weerarro argagixiso.
Safiirka u fadhiya safaaradda magaalada Nairobi ee dalka Maraykanka Robert Godec,ayaa sheegay inay jirto khatar ku soo fool leh safaaraddooda isla markaana ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqa dhanka ammaanka ee safaaradda waxaa kaloo uu uga digay dadka shalasho ahaan ka soo jeeda dalka Maraykanka ee ku sugan Kenya in ay dhaq dhaqaaqooda xadidaan waxaanu sidan ka sheegay kulan uu magaalada Nairoi kula yeeshay ugu yaraan laba boqol oo ruux oo u dhashay dalka Maraykanka oo ku sugan magaalada Nairobi.
“Waan ognahay in ay jirto khatar aan caadi ahayn oo aan la dhayalsan Karin,iyo weerarro ka dhici kara safaaradda iyo waliba in danaha Maraykanka ee dalka Kenya ay bartimaameed u yihiin kooxaha argagixisada“ ayuu yidhi Robert Godec oo ah safiirka Maraykanka ee Nairobi.
Waxaanu intaa ku daray isagoo safiirku hadalkiisa sii wata.
“Waxaa loo baahan yahay in dadka Muwaadiniinta Maraykanka ahi ay gaadaan In ay dhici karto in la bartilmaameedsado sidaa daraadeed waa inaad taxader badan samaysaan.”
Sidoo kale Marion Cotter oo Madax ka ah amniga safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa isna tilmaamay in kooxaha argagaxisada ahi ay bilaabeen isticmaalidda bambooyinka laga hago rimuudka, taasoo khatarta sii kordhin karta sida uu xusay.
Nairobi SDN/QJ