|

War Degdeg ah:Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wafti wasiirro ah oo uu Hoggaaminayo Oo Haatan Saxaafadda Ugu Yeedhay Mansoor iyo Nuxurka Farriintooda

 

Hargeysa:May,26,2014(SDN/QJ)-Warka aanu ka helayno aagga Huteel Mansor ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wafti wasiirro ah oo uu Hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa Haatan jir jaraa’id ka wadaan huteelka, isla-markaana ku deedafaynayaan Liiskii Guddida Fulinta ee uu Guddoomiye Muuse Biixi Soo Saaray.

breakinWarka ayaa intaa ku daraya in Kooxdaasi ay sheegi doonaan inaa Liiskaas Guddoomiye Muuse Biixi  waxba ka jirin, isla-markaana uu sharciga baalmarsan yahay.

Waxa kale oo warku sheegayaa in ay shaacin doonaan in Dhawaan Guddidii Fulinta ee hore loo shaaciyey isku iman doonaan si ay u doortaan Guddoomiye iyo Ku xigeen rasmi ah.

Shirka jar’aaid ayaa la sheegayaa inuu Haatan sodo, iyadoo wasiirrada  fadhiyana ay ka mid yihiin, Samaale, Cadami, Cali Siciid Raygal, Xuseen Axmed Caydiid iyo Xubno kale oo aanaan Wali magacyadooda si rasmi ah u helin.

Wixii war ah eek a soo kordha Kooxdan Maansoor saxaafadda ugu yeedhay kala soco wararkayaga dambe.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed