GUMEYSTAHA IYO KELIGIITALIYUHU MEELO BADANAYEY ISAGA EGYIHIIN
Marka aynu dib eego ama akhrino taariikhdii gumeysigii caddaa (ingiriiska) iyo gumeystihii madoobaa (somaliyada koonfureed) , waxay wadaagaan oo ay iskaga mid ahaayeen waxyaabo badan sida ( dal burbur ah – dhaqaale la aan – jahli ummada saameeyey – cadaadis aan xad la heyn – dulmi joogto ah – masuqmaasuq aan lalla gabaneyn – qabyaalad iyo reer hebel reer hebel ku dir – caddaalad daro cad ) .
Wazaas iyo waxyaabo ka sii fara badan oo aan la soo koobi kareyn ayaa labaduba dalka iyo bulkshadaba ku hayeen ,
Dhaqamadaa xun xunna qaar badan ayaa laga dhaxley oo ilaa iminka qaarkood socdaan , illayn qaar bulshada ka mid ah ayaa dhaqamadaa xun xun soo gaadhey , kabacdina waabey soo xanbaarteen .
Waxa layidhaahdaa diktaatoorkii Hitlar ayaa waxa uu aad ula dhacsanaan jirey , sidey boqortooyada ingiriisku u gumeysato dalal badan oo bulshooyinkoodu aad u fara badan yihiin ,sida ( dalka india – china) iyo weliba sida ciidamadooda tirada yari u maamulaan dalalkaa . diktaatoorkii la odhan jirey stallin na albaabo xadiida ayuu ku meeriyey dalkii laysku odhan jirey (soviet ka) , Frank kii spain na gacan bir ah ayuu ku hayey shacabkiisii , shiinuhuna sidaa si ka sii daran ayuu . siyaaad barena kuwaas ayuu kala mid ahaa dhaqan xumadooda iyo maamul xumadaba ( xagguu ku danbeeyey ? muxuuse ku danbeeyey (qaxooti )
Dhamaan tood gumeystaha iyo keligii taliyuhuba waxay la col yihiin wax kasta oo aqoon xanbaarsan ama laga heli karo sida ( saxaafadda – jaraa idka – kutubta – warbaahinta hohta ah – aqoonta iyo aqoon yahaniinta .
Jahli iyo mugdiga cabsi – xadhig – caga jugleyn – cadddal daro – xoriyat la aan — car juuq dheh – awood adeegsi – iyo dulmi ayaa asaas u ahaa maamuladooda , laakiin banii aadamka waxaas oo dhami isma hortaagi karayaan weligood , laakiin muddo yar ayuun baa lagu hayn karayaaa , waayo ? ba nii aadamku isaga oo xor ah buu dhashey cidina kama qaadi karto xoriyadiisa
Gumeystihii somaliland wuxuu ka tegey iyada oo dibu dhac badani ka jiro , Siyaad bare na wuxuu ugu sii darey xadhig -burbur – dhaawac -dil – qax .
Ummada somaliland waxa soo marey laba gumeysi ( kii caddaa iyo kii madoobaa+ somaliyada koonfureed) , waxaabey ku talo gashey in ay xasuuqdo shacabka oo dhan , laakiin tii alle ayaa maqneyd .
Laakiin geesiyadii SNM iyo ciidan koodii ayaa dib u xoreeyey somaliland .
somaliland na xoriyadeedii – dawlad nimadeedii -sharafteedii – karaamadeedii – dad nimadedii dib ugu soo xoreeyey .
Dawladnimada aynu maanta haysanona waxa taagey ciidamadii SMN iyo halgankii ay kaga guulaysteen gumeystii madoobaa .
MAALINTA 27/05/1988 waa maalin ciid ah , waa ciidda ciidaha somaliland ugu farxadda badan.
Waa maalin lama ilaawaan ah . waa maalin qiimo wayn ku leh shacabka somaliland .
Waa maalin xaq wayn ku leh shacabka somaliland .
Waa maalin mudan in la xasuusto mujaahidiintii naftoodii iyo maalkoodiiba ku fideeyey inay ummadani xornimadeedii dib ula soo noqota .
SNM shacab waynaha iyo ummada reer somaliland ba waxay ku leeyihiin abaal aan weligii dhamaaneynin oo daa im ah
Ciidamadii SMN waxay shacabka reer somaliland xaq ugu leeyihiin , in loo duceeyo , loona mahad celiyo ( mid shahiidey iyo mid noolba ) loona celiyo .
27?05 waa maalin lama ilaawaan ah .
27/05 waa maalin taariikhda somaliland iyo reer somaliland ba qalbiga kaga qoran
Waa maalintii dalka somaliland xoriyadiisu iyo dawlad nimadiisu bilaabantey .
Waa maalintii noloshan aynu maanta heysanaa bilaabantey .
BAL ADIGU ISWAYDII MEESHA AAD MAALINTAA JOOGTEY , IYO DAREEN KAAGU SIDUU NOQDEY MARKII AAD WARKAN MAQASHAY .
CIID WANAAGSAN .
allaa mahad leh .
CALI MAXAMED BIIXI
caliwwelli@hotmail.co.uk