|

Djibouti Oo Soo Bandhigtay Maydadka Labadii Qof ee Qaraxyada Geystay

Djibouti:May,26,2014(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Djibouti ayaa soo Bandhigay Maydadka Dadkii isku Qarxiyey Makhaayadii ku Taallay Dalkaasi oo ay ku Dhinteen Tiro Dad ah oo Ajaanib u badani.

wiil qaWasaaradda Arrimaha Gudaha Djibouti, ayaa sheegtay in  Labada Qof ee Qaraxyada Geystay ay  ahaayeen Haweenay iyo Wiil sawirradooda la Arkay oo dhallinyaro ahaa, waxana Wajiyadooda  la tusay Saxaafadda.

 

Wasaaradda ayaa diiday inay dadkaas ku tilmaanto kuwo soomaali ah, waxana ay  xustay inaanay ku degdegayn inay soomaali ku sheegto, maadaama aan wali caddayn loo Haynin.

gabadh qaWaxa ay Wasaaraddu ka Codsatay Dadweynaha  inay soo sheegaan Haddii ay in uun dadkaas meel ku arkeen oo ay Wajiyadooda Aqoonsadaan.

Labada qof ee ee Maydadkooda saxaafadda la tusay, ayaa u muuqda kuwo soomaali ah, balse lama Odhan karo, maadaama Maydnimada wax badan ka bedeshay Suuradoodii caadiga ahayd.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed