“Madaxweyne Haddaad Sharciyadda ku soo Noqon waydo Aqalka Somaliland ugu Quruxda Badan adigaa ku jira,” Suldaan Xawaareeye
Hargeysa:May,2014(SDN/QJ)-Suldaan Xawaareeye oo ka mid ah Salaadiinta Reer Somaliland ayaa si weyn u dhaliilay Hoggaminta iyo Hannaanka uu Madaxweyne Siilaanyo ku Wado Dalka Somaliland.
Suldaanka Oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa in Madaxweynaha looga Baahan yahay inuu u soo jeesto xaaladda Dalka halka ay marayso iyo Jawiga Karin ee dhawaanahan la Gudo galay.
Waxa uu Suldaan Xawaareeye Sheegay in Dhibkasta oo Maanta Dalka ka dhacda cidda ku waxyeeloobaysa uu Madaxweyne Siilaanyo ugu nugul yahay,
“Madaxweyna Haddaad Sharciyadda ku soo Noqon waydo Aqalka Somaliland ugu Quruxda Badan adigaa ku jira, Haddaad Dumanayso Karis xun iyana ku wax la’.” Ayuu Yidhi Suldaan Xawaareeye.
Suldaanka oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa tilmaamay inuu Madaxweynuhu ka Baydhay Dariiqii Toolmoonaa iyo jidkii saxda ahaa ee Somaliland ku soo Caano Maashay, waxana uu yidhi,
“Halkaad Saaka Dalka ku waddaa ma anfacyaso adigana ku anfici mayso, Somaliweyn baad nagu soo faruurtay calankii Labada boqole kun ku dhinteen baad nin naafo ah oo dagaalkii maxamed siyaad ku naafoobay lahaa saakaan idiin dhiibay. Siyaasad xumada iyo caqli-xumada dalka inaad ku Hoggaamiso laguuguma dhiibine sharciyaddii dalka waad Baabi’isay”
Waxa kale oo uu Suldaanku Madaxweynaha u soo jeediyey in looga Baahan yahay inaanu isku garaacin Madaxda Xisbiga Kulmiye, isla-markaana oo dhaafo Wasiirrada uu sida Gaarka ah Garabka u saarayo, waxana uu yidhi,
“Sideed Sanadood baad lahayd Madaxweynaan Doonayaa oo sacabka garaacaysay, inaad sharciga wax kusoo kordhiso mooyaane inaad wax ka dhinto maanu Eegayn, Raggaad Madaxa isugu garaacaysana jooji, wasirrada Toobka Gaaan ee Aad Madaxtooyada ku urursatay Shaqayn maayaan Hadday Xaaladdu Faraha Ka Baxdo, Wada tashigii ku soo celi oo sharciyaddii ku soo Dabaal.”
Hadalka Suldaan Xawaareeye ayaa ku soo Beegmaya xilli xisbiga Kulmiye Laba Garab u kala Jabsan yahay isla-markaana Madaxweynaha Lagu eedaynayo inuu Garab ka mid ah la safan yahay.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com