|

Nabad-sugidda Somalia Oo Iyagoo Fulinaya Amar Madaxtooyada ka Yimi Xalay Gelalefay Hoyga Sheekh Xasan Daahir Aweys

Muqdisho:May,26,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Nabad-sugidda Somalia, ayaa Habeenkii Xalay Gudaha u galay Hoyga uu sheikh Xasan Daahir Aweys Ka deggen yahay Magaalada Muqdisho.

xasan daahir Ciidanka ayaa la sheegayaa inay Halkaas ka soo qaateen Qalab kala duwan oo Aqalka dhexyaallay, kaas oo ay Xarumahooda la Tageen.

 

Ciidamo uu horkacayay Bashiir Goobe oo ah Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida, ayaa Xasan Daahir kasoo qaatay Qalab isagu jira Teleefoonka gacanta (Mobile), TV, Laptop Computer & Internet kuwaasi oo uu kala socday Dhacdooyinka Soomaaliya & Caalamka.

 

Tallaabada Xasan Daahir ay Ciidamada Qalabkiisa uga soo qaadeen, ayaa waxaa amray Wasiirkii Amniga DFS C/kariin Xuseen Guuleed, oo isagana laga soo amray markaasi Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

 

Kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhibsaday War Maqal ah oo Cod ahaan si qarsoodi ah inta uu Xasan Daahir iska soo duubay lagu baahiyay Warbaahinta Gudaha & Dibadda, kaasi oo uu kaga hadlay Dhinacyo badan, oo kamid ahaa in Soomaaliya ay ku jirto Gumeyska Ethiopia.

 

Xasan Daahir, ayaa Fariintiisa uu sida qarsoodida ah usoo diray ku sheegay in dalka Soomaaliya, uu hadda u qeybsamay Gobollo dhamaan looga taliyo dalka Ethiopia, oo Ciidamadiisa kamid yihiin Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

 

Dowladda Federaalka oo Xidhiidh dhaw la leh hadda Dowladda Ethiopia, ayaa ka xumaatay Hadalka Xasan Daahir, iyadoo ku amartay Hay’adaha Nabad Sugida dalka in Wadaadka aan loo ogolaan xitaa in Taleefoon ku hadlo, oo laga qaado wax walba oo u sahlaya in uu kula xidhiidho Dadka kale, maadaama uu Maxbuus yahay.

 

Lama sheegin wax aan intaas ahayn oo ay ciidanka ka qaateen Aqalka Wadaadka, waxana uu haatan iska joogaa isagoo aan Haysanin wax uu dunida kula xidhiidho.

 

 

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed