Mahadhooyinka Siyaasadeed “Wasiirkaygana si buuxda ayaan ugu kalsoonahay, abidkiisna wasiir buu ahaanayaa.” Madaxweyne Siilaanyo DAAWO
Hargaysa 25.May 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxmaed Maxmauud Siilaayo Ayaa ayaa xalay xilkii wasiirnimo ka qaaday wasiirkii wasaarada Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalemiga Md Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ahaa ragii ay isugu dhawaayeen Madaxweynaha Somaliland xiliyadii Hore.
Wasiirka ayaa mar sanadii 2013 dii mar uu dhaliilo u jeediyay Aqoonyahan Maxamed Haruun Biixi madal ay ku kulmeen wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo booqanayay London waxa uu madaxweynuhu ku tiraabay “Madaxda waa in la ixtiraamo, waraaqda ninkaasi sitto, (Waa aniga ninku, magacayga ayaanan u sheegay Madaxwaynaha, waanu isticmaalay), waraaqda uu Maxamed Haaruun sitto, oo aan filaayo inaanu akhriyin, (waxan u sheegay inaan akhriyay), waxa ku qoran lama hubo, wixii dhaliil ah ee Wasiirkayga ku socdaa, anigana waa igu socdaa, wasiirkaygana si buuxda ayaan ugu kalsoonahay, abidkiisna wasiir buu ahaanayaa.” Ayuu Yidhi Madawaynaha.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com