|

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo booqday dhaawacyadii la dhigay Cisbitaal Madiina

waliMogadishu:25,May,2014 (SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed iyo qaar kamid ah golaha Wasiirada ayaa Saaka booqday Isbitaal Madiina oo ku jiraan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ay shalay ku qaadeen Xarunta Golaha Shacabka kooxda arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab.

Ra’iiusl Wasaaraha ayaa war bixin ka dhageystay Maamulka Isbitaal Madiina, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu u rajeeyey dadka dhaawaca qaba in Ilaahay siiyo caafimaad taam ah, isgoona markale u tacsiyeeyey Qoysaskii ay dadku uga geeriyoodeen. “Alshabab waad u jeedaan in aysan u kala socnayn shacab iyo dowlad, taasi waa mida ka muuqata dhaawacyada yaala Isbitaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerka kaddib saxaafadda kula hadlay gudaha Isbitaal Madiina ayaa yiri “Aniga iyo golaha Wasiirada waxaan saakay booqasho ugu nimid dadkii shalay ku waxyeeloobay weerarkii waxashnimada ahaa ee dhagar-qabayaashu ku qaadeen golaha shacabka, waxaan soo booqanay ciidamadii amniga iyo Xildhibaan Faarax Cawad, xaaladooda caafimaadna waa wanaagsanayd, inkasta oo uu dhib soo gaaray, waxaan uga mahadcelinaynaa maamulka Isbitaalka Madiina dadaalka ay galiyeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhaawacyada”.ayuu yiri RW Cabdiwali

Dhanka kale Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Daahir oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee dhaawacyadii shalay lasoo gaarsiiyey in ay soo hagaagayso kaddib dadaal ay sameeyeen maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka.

 

 

SDN/QJ-Muqdisho

 

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed