|

“Weerarkii Baarlaanku waxa uu ka dhiganyahay weerar lagu soo qaaday UMadda Somaliyeed” Madaxweynaha Somaliya

cullMuqdisho:25,May,2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamuuriyada Federaaliga ah ee Somaliya Md.Xasan Skheekh Maxamuud ,ayaa maanta dalka dib ugu laabatay ka dib safar Maalmihii ugu danbeeyay uu ugu maqnaa Dalka Koonfur Afrika oo lagu caleemo saarayay Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika.

Ka dib markii uu Madxweynhu kazoo dehgay Gagida Dayuuradahaa Caalamamiga ah ee Adan Cadde,ayaa waxa uu ka hadlay Weerarkii hubaysaynaa ee ay  Maalintii shalay xoogaga Al-shabaab ku qaadeen Xarunta Baarlamaanka Somaliya iyo Iscasilaadii Wasiirka Amniga Qaran Somaliya oo isu casilay Fadeexadda ka dhalatay Weerarkaas ay AL-shaab ka fulisay Xarunta sida weyn loo ilaaliyo ee ay ku shiraan Xubnaha Baarlamaanka Somaliya.

Waxa uu madaxweynuhu ku tilaamay weerarkaas mid lagu qaaday guud ahaanba Umadda Somaliyeed,isaga oo dhainaca kalena soo dhaweeyay Iscasilaadii Wasiirka Amniga oo uu soo dhaweeyay.

“Weerarkii Baarlaanku waxa uu ka dhiganyahay weerar lagu soo qaaday UMadda Somaliyeed,laguna doonayo in lagu dumiyo Dawladnimada aynu dhisayno”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliya.

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed