“ laba wasiir ayaa saaka ila soo hadlay oo mid wuxuu igu yidhi “Xalay baanu Erinay Maxamed Cabdillaahi”. midka kalena wuxuu igu yidhi….” Gudoomye Ku-Xigeenka 1-aad ee Kulmiye
Muqdisho, 25, May, 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiye Ku-Xigeenka Xisbiga Talada Somaliland hay ee Kulmiye,ayaa Maanta ka hadlay Sababta Xilkii looga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar.waxa uu sheegay Maxamed Kaahin Axmed in ay tahay sababtu iyada oo lagu Tuhmaayo inuu Xidhiidh la leeyahay Hogaanka sare ee Kulmiye.
Waxa kale oo uu sheegay in xataa Hogaanka Xisbiga loogu Hanjabay in Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da la hawl galiyay si loo soo xidho Xogaanka Xisbiga.waxaana isaga oo arimahaas ka hadlayana uu yidhi “” Waxaa Xisbiga Kulmiye Burburinaya, wasiirada leh.”Waa dagaale dhinac raac, dabadeedna Xalay loo Eryay Maxamed Cabdilaahi Cumar. laba wasiir ayaa saaka ila soo hadlay oo mid wuxuu igu yidhi “Xalay baanu Erinay Maxamed Cabdillaahi”. midka kalena wuxuu igu yidhi ” RRU-dii ayaa istaan-bay la geliyey ee maan Adiga iyo Muuse Biixi la idin xidhin”.. haddii Dalku Citiraaf ku helayo, oo dhibaato Madaxweynaha haysataa kaga jabayso, oo Xisbiga Kulmiye Jannadii ku galayo, oo Dalku ku toosaayo, Anigaa balanqaadaya Muuse Biixina waa kan i Ag-fadhiya, markaa Anigaa Jeelka Geeynaya anna is gaynaya”
Arintan ayaa si aan qarsoodi ahayn Daaha uga rogaysa Khilaafka adage e ka dhex jira Xisbiga Kulmiye.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com