“Mar Haddii Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi ay Jideeyeen inaan cid meel Joogta cidi isla Sharraxin, iyaguna maanta waa inay Aqabalaan inaan Madaxweynaha Cidi isla Sharraxin…..”Boqor Buur-madow
Dubai:May,25,2014(SDN/QJ)Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka Hadlay Khilaafka ka dhex dillaacay xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, isagoo farta ku fiiqay meesha sartu ka qudhuntay.
Boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadow uu u warramay Caynaba News, ayaa tilmaamay in Hoggaanka xisbiga Kulmiye Majaraha u hayaa ay yihiin ragga masuulka ka ah khilaafka soo noqnoqday ee xisbigu la daalaa dhacayo.
Waxa uu cismaan Buur-madow tilmaamay inay Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi hore dimuqraaddiyaddii xisbiga God madow ugu rideen, isla-markaana ay taasi keentay in mar walba is qabsi dhaco,
“Waxa haboon in marka hore xisbigu si dimuqraaddiyad ah wax u doorto oo nidaamkiisa u qaato, markaa markaan si gaar ah Uga hadlo, xisbiga majarihiisa ragga habaabiyey waa shirguddoonka oo maxamed kaahin iyo muuse ayaa xisbiga dimuqraaddiyaddiisii dhabarka ka jabiyey oo halkaas gaadhsiiyey, waayo waxaynu arki karaynaa nabarraddii ay ku dhufteen Cabdiraxmaan cabdiqaadir oo ay doonayeen inaanu tartamin bay u dilayeen, waxana muuse Biixi oo kale ku dagaalamayey inaan xisbiga dhexdiisa laga tartamin, Muuse biixi waxa uu ku dagaalamayey inaanu Samaale shantaa sano dimuqraaddiyadi ka dhicin xisbiga dhexdiisa, maxamed Kaahinna waxa uu ku dagaalamayey shalay inaanu xasan gaafaadhi isla sharrixin,” ayuu yidhi Boqor cismaan.
Boqorka oo ka sii hadlaya Nabsigii ay galeen Hoggaanka xisbigu ayaa sheegay in looga Baahan yahay inay madaxweynaha u daayaan musharaxnimada shanta sano ee soo socota, maadaama ay iyaguba diideen in tartan lala galo, waxana uu yidhi,
“ maadaama ay iyagu keeneen inaan cid meel joogta cidi isla sharraxin maanta dee iyagu waa waddadii ay jeexeen sunadii ay dhiggeen baa haysa waana inay aqbalaan in madaxweynuhu joogo oo aanay cidi isla sharraxin, cidina la tartamin si ay xisbiga wax ugu sii hagaagaan.”
Boqor cismaan ayaa sidoo kale Guul ku tilmaamay Socdaalkii ay dhawaan Oday-dhaqameedkii koonfurta Somalia ka yimi ku yimaaddeen Somaliland.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com