Khasaaraha ka Dhashay Weerarkii Xarunta Baarlamanka Somalia iyo Natiijooyinka Hordhaca ah Daawo
Muqdisho 24.May 2014 (SDN/QJ)- Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay, tiro kalena way ku dhaawacantay Weerar Al-shabaab ku qaaday Xarunta Baarlamaanka Somalia ee Muqdisho.
Inkasta oo aan war Rasmi ahi ka soo bixin Weerarkaasi oo Qaraxyo ismiidaamin ah iyo Israsaasayn foolka fool ah iskugu jiray, waxaa la sheegayaa in dadka dhintay u badnaa Askarta Dawladda. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Xildhibaano.
Weerarka ayaa bilawda xili hore oo maanta ah, wakhtigaasi oo Kalfadhi Baarlamaanku lahaa furmayay. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa xoog ku soo dhaafay Ilaalada hore ee Baarlamaanka, waxaana dagaal mudo socday ku dhex maray Dhismaha sare ee Baarlamaanka Ilaalo kale oo Baarlamaanka Ilaalinaysay.
Xildhibaannada Baarlamaanka, Shaqaalaha iyo Warbaahinta ayaa ka baxay Albaab labaad oo dhismaha Goluhu leeyahay, taasi oo la sheegay in Baarlamaanka laga badbaadiyey in Goobta lagu dhibaateeyo ama gacanta ay u galaan Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa Masuuliyadda Weerarkaasi Culus sheegatay. Afhayeenka Hawl galada Shabaab Abu-muscab ayaa sheegay in Weerar Qorshayn ay ka fuliyeen Xarunta Baarlamaanka, islamarkaana wakhtiga Weerarku dhamaado ay faahfaahin ka bixin doonaan.
Muqdisho SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com