Cali Sandule “Annagu arrintaas Xaabsade Kulama Soconno, Kulamana Socon Doono…”
Xudun May 24, 2014(SDN/QJ)-Wasiirul Dawlaha Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolada Bariga Somaliland Md Cali Maxamuud Sandule ayaa Jawaab waafi ah ka bixiyay hadalo siyaasadu ka mareyd oo dhawaan ka soo yeeray Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee Somaliland Axmed Xaabsade.
Axmed Xaabsade ayaa sheegay in uu ka qoomameynayo in uu gobolka Sool gacan ka geystay in Somaliland ay ku baahdo.
Wasiir Cali-Sandule oo arinkan ka waramay ayaa jariirada afka xukuumada Somaliland ku hadasha ee Dawan u sheegay “Waan ka xumahay arrintaasi, Axmed na runtii waa nin oday ah, umana habboonayn inuu wakhtigan waxaasi warbaahinta ka sheego, sideedabana bani’aadamku waxbuu tirsanayaa, ninkasta oo wax tirsanayana in la xaliyo, oo hawshiisa wax laga qabto waa ta aynu ku dhisanahay, odaygu haddii uu waxooga tabanayo waxay ila tahay, waxay tabashadda lafteedu ka mid tahay hawlaha nabadaynta, in wax badan la eego. Mana odhan karo inta ay beeshii isku tagtay ayay arrintaasi tidhi, anagu arrintaasi uu yidhi Xaabsade kulama socono, Kulamana socon doono, haddii aanu nahay siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka beeshaasi”. Ayuu yiri Cali Sandule
Cali Sandule ayaa ah ruuxii u horeeyay ee Xukuumada Axmed Siilaanyo ka tirsan oo jawaab ka bixiya hadalka ka soo yeeray Axmed Cabdi Xaabsade.
SDN/QJ-Xudun
contact@somalidiasporanews.com