|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo South Africa Ka Degey, Kana Qayb Gelaya Dhaarta Dhiggiisa Zuma

Pretoria:May,24,2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha dowladda  Federal-ka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar booqasho ku tegay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa, isagoo Hoggaaminaya Wafti Ballaadhan.

zumaMadxaweynaha Soomaliya ayaa waxaa  garoonka diyaaradaha magaalada Johannesburg  ku soo dhaweeyay markii uu halkaasi gaadhay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaliya , iyo madax ka tirsan dowladda waddanka koonfur Afrika.

 

Madaxweynaha Soomaliya ayaa  ka qeyb galaya caleema-saarka madaxweynaha Koonfur Africa Jacob Zuma oo mar kale ku guuleystay in uu dalkaasi uu madaxweyne  ka noqdo, taasoo ka dhaceysa magaalada Paretoria.

Xasan Sheekh ayaa  la filayaa  in uu la kulmo mas’uuliyiinta caalamka qaarkood oo xafladaasi caleema saarka lagu  casuumay, islamarkaana ay ka wada hadli doonaa  arrimo la xidhiidha xaaladda dalka soomaliya  iyo horumaraka ka jira.

Waa safarkii ugu horreeyay oo uu madaxwyne Xasan Sheekh uu ku tago dalkaasi tan iyo markii loo doortay madaxweynaha dalka Soomaaliya.

South Afrika oo ka mid ah Dalalka hormuudka u ah dhaqaalaha Afrika, ayaa si weyn loogu dhibaateeyaa dadka somalida ah ee Halkaad Deggen, waxana laga yaabaa inuu madaxweynuhu arrintaas kala hadlo dhiggiisa Haatan la dhaarin doono.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed