Waa Kuwee Afarta Wasiir ee Hurinaya Colaadda Kulmiye Iyo Xukuumaddiisa Laga Dhex wado?
Hargeysa:May,24,2014(SDN/QJ)-Markii uu Xisbiga Kulmiye Muddo Bilo ah hayey Talada Dalka, ayuu siyaasiga Hoggaamiya Xisbiga Ucid ee Faysal Cali Waraabe Sheegay in Taladii la siin lahaa Madaxweyne Siilaanyo ay hor fadhiyaan Xubno Wasiirro ah oo Doonaya inay Magaca Odayga Dilaa, maanta oo Xisbigu Talada Hayey muddo Afar sano ahna Waxa Markhaatigiisa si aan Gabasho lahayn u furay Labada Nin ee ugu sarreeya Xisbiga Kulmiye.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay markii ugu horraysay afkiisa ka sheegay in Madaxtooyada ay ku jiraan Xubno Wasiirro ah oo Madaxwehnaha jar ka tuuraya, isla-markaana Khilaaf ka dhex abuuraya Madaxweynaha iyo Xisbiga, waxana ay taasi Noqotay Taariikh cusub oo Furantay.
Sidoo kale Mujaahid Maxamed Kaahin oo marka La Eego Kulmiye Ragga ugu dulqaadka Badan ku jira, isla-markaana aan sida wax u jiraan sheegideedda Saxaafadda Kula Degdegin, ayaa shalay ku celceliyey inay soo Baxeen Rag Madaxweynaha ku akhriyaya warar ah in Xisbiga dhexdiisa ay joogaan waraabe-yaal Madaxweynaha Hagar-daamadiisa ka Talinayaa.
Marka Haddaba la eego xubnaha Haatan Kulmiye isku raacay inuu umadda u sheego oo wasiiro ay ku Magacaabeen, ayaa waxa iska cad inay u jeedaan Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo wali ku mashquulsan Jallaafooyinkii Siyaasadeed ee uu caanka ku ahaa uu haatan Fursada Fiican u helay, taas oo uu Imika abuuray xiisad ragaadka ku fogaysay Muuse Biixi iyo Kooxdiisa.
Muran kuma Jiro in Wasiir Samaale yahay ninka Dejiyey Shaxdii lagu shaaciyey Golihii dhexe iyo Guddidii Fulinta ee dhawaan Ambassador lagu sheegay, isagoo Kaashanaya Saaxiib ay dhawaan dantu midaysay oo ah Wasiir Cadami oo isagu wali gaws-dambeedka ku Haysta Colaad ka soo aloosantay Shirweynihii Xisbiga ee Burco oo uu hoggaaminayey Garabkii jabay ee Madaweyne Siilaanyo ka dhanka ahaa, basle uu Muuuse Biixi Sutida u qabtay markii dambe.
Garabkaas Cadami Hoggaaminayey ayaa markii dambe taqwad darraaday, waxana Dagaal aan gabasho lahayn ku qaaday Muuse Biixi cabdi oo isagu xilligaas si weyn ula jireyy Madaxweyne Siilaanyo oo dabaylo khilaaf ay ku fureen xubno mujaahidiin u badan oo xisbiga dhexdiisa awood badan ku lahaa, balse Markii dambe la muquuniyey.
Colaad iyo Cuqdad gaar ah ayuu xilligaas Guntaday Wasiir Cadami, waxase uu Haatan isku arkay nin Midigta ku Haysta fursad uu kaga Aargduan karo wixii la markiyey xilliyadii adkaa ee Xisbiga Kulmiye ka soo Gudbay, isagoo Kaashanaya Miishaarta Afka Badan ee Wasiir Samaale oo had iyo Goor Kulaylka wax ku Goysa.
Ma aha Labadaas Wasiir oo kaliya Xubnaha walaaqaya Khilaafka Xisbiga, waxase tirada Ku jira dhammaan Xubnaha xilalka wasiirnimo Haya ee Godobta siyaasadeed Galay muddadii xukuumaddani jirtey iyo waliba xubno Madaxtooyada ku xidhan oo doonaya in goobta ay ka dhalato taariikh Xumo raacda Madaxweyne Siilaanyo oo dhinaca Hoggaaminta ah.
Ragga Arrinta wada ayaa waxa inta badan ay yihiin xubno aan khibrad siyaasadeed lahayn marka laga reebo wasiir Samaale oo isagu doonaya inuu camaalaqo Horumarka ay samaynayso Siyaasadda Muuse Biixi, maadama Qoyska ay labadan nin kasoo jeedaan goor hore si toos u Samaale ugu sheegeen inay Taageeradooda siinayaan Muuse Biixi oo Surimo badan kala soo baxay Taageerada uu maanta Haysto.
Samaale ma aha nin sidaas ku Hadhay, Muuse-na Ma Mooggana Qaniinyadiisa, waxase Madaxtooyada buux-dhaafiyey kooxo bilaa ujeeddo ah oo kaliya doonaya in la is qabqabsado oo ka soo horjeeda Horumarka iyo Guulaha siyaasadeed ee Dalka laga samaynayo.
Xubnaha Fajida Muuse iyo Kooxdiisa loo dhigay ayaa wax aka mid ah Haweenka Madaxtooyada ku xeeran ee qaarkood xilalka u hayaan madaweynahaha, qaarna ay saaxiibka dhaw la yihiin Marwada, kuwaas oo horeba loo ogaa inay Awood Buuxda ku leeyihiin Go’aamada Ka soo baxa madaxtooyada.
Haweenka ayaa la Hubaa inaanay marnaba aqbali Karin In mujaahidiinta Hamuunta qabtaa ay Madaxtooyada u soo Hungurooto, waxana ay Dagaal kaga jiraaan sidii loo Carqaladayn lahaa Hoggaanka Xisbiga oo iyagu muddo badan dibad-wareeg ahaa, haatanse u muuqda inay Fursadu gacantooda ku jirto.
Waxa Caddaan ah in haddii Mujaahidiinta la isku soo daayo la Waayi Doono wax badan oo Haatan madaxtooyada lagu Haysto oo Malafsi ah, waxana ay taasi sababtay in Madaxtooyada dhexdeeda laga galo safaf Midaysan oo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin lagaga soo horjeedo.
Marka la eego Awoodda ay maanta Haweenka Madaxtooyadu leeyihiin ma fududa in si fudud Arrinkooda Looga Guulaystaa, waxana Kooxda Muuse-diidka ahi ay gacan Buuxda ka Helayaan Haweenka u heellan inay Madaxweyne Siilaanyo Sharci iyo Sharci-darroba Kursiga ku sii Hayaan.
Dhirbaaxada Haatan lala Helay Muuse iyo Kooxdiisa ayaa la hubaa inay wakhti qaadan doonto sidii ay uga soo kasban lahaayeen, balse taasi waxay fududaan Doontaa oo kaliya marka ay runta sheegaan ee ay shacabka u tilmaamaan cidda laga tallaabsan kari la’yahay.
Ma Fududa inay Muuse iyo Kooxdiisu mar kale Helaan Awood ay Gole dhexe iyo mid Fulineed ku alkumaan, waxase aan la dafiri Karin Awoodda Siyaasadeed iyo midda Ragganimo ee ay leeyihiin Muuse Biixi, Maxamed Kaahi, Jaamac Shabeel iyo Waliba Xasan Siciid, waxase ay u muuqdaan inay Wali Hagranayaan oo ay sida wax u jiraan u sheegaynin.
Shaki ayaa ku jira in kooxda Xisbiga Hoggaamisaa ay xataa Madaxweynaha wax u sheegaan, maadaama ay wax badan wali xeerinayaan, waxase Haatan Muuqata in wakhtiguna is gurayo taladiina Meel dheer gashay.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com