Rag Hubaysan Oo Lagu Qabtay Lughaya iyo Shaki Ka Dhashay Ku Lug-lahaansho Kooxda ONLF Oo Hore Aaggaas Loogu Arkay
Lughaha:May,24,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno Degmada Lughaya ee Gobolka Awda, Waxa ay ciidamadama ammaanka ee Degmadaasi gacanta ku dhigeen Afar Nin oo hubaysan.
Afarta Nin ee la qabtay, ayaa watay Baabuur uu hubku u saarnaa, waxana loo dhaadhiciyey Saldhigga dhexe ee Magaalada Borama, iyadoo warkaasna uu warbaahinta u xaqiijiyey Maayarka Degmada Lughaya Cabdilaahi Cali aw Nuur.
“Waxa afartan nin ee hubaysan aan ka qabanay degaan u dhexeeya Garbodadar iyo Gargaara, waxa ay ku hubaysnaayeen qoryo kala duwan oo fudud, waxa ka shikiyay dadka degaanka oo na soo wargaliyay, wixii intaas ka dabmeeyay waxa aan qabashada afartan nin la kaashaday ciidanka amniga, markii aan qabanayna waxa aan ku xidhnay saldhiga Garbodadar, markii dambana waxa aan u soo gudbinay saldhiga dhexe ee Boorama” ayuu yidhi Maayar Dixood
Dhinaca kale waxa uu maayar Dixood ka warbixiyay xaalada amniga ee degmada waxana uu yidhi “Waa dagmo aad u balaadhan Lughaya, ma joogaan ciidan ku filan oo amniga wada sugi kara, waxana mahad balaadhan leh dadka degaanka oo iyagu amniga ilaashanaya, waxana aan ka codsanaynaa hayadaha dawliga ah ee ay khusayo inay ciidanka amniga ee ka hawl gala degmada soo kordhiyaan.”
Dhacdadan ayaa shaki ku abuurtay Shacabka Deegaankaas iyo waliba madada xukuumadda Halkaas u joogta, waxana mar kale la soo xasuustay Ciidamo ONLF ahaan jirey oo la odhan jirey Xeebahaas ayey ka soo degaan.
Kooxdan Hubaysan ayaa Baadhitaankooda Maanta la Bilaabi doonaa, waxana laga Yaabaa in loo soo dhaadhiciyo Magaalada Hargeysa, si baadhitaanno Hufan loo sameeyo.
Taliska Guud ee Ciidanka ayaa la sheegayaa inay codsadeen in raggan la keeno Hargeysa, iyagoo ku aamini la’ Boram.
Deegaanada Xeebta Somaliland ayaa ina Badan iska noqday Meelo aan Amnigoodu fiicnayn, waxana taas ka cawda Dadka shacabka ah oo tilmaama inaanay Haysanin ciidamo ku filan ammaankooda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com