Halkan ka Akhri Beelaha Wasiirradoodu isku Taxeen Xilalka Golaha Dhexe Ee Kulmiye iyo Beelaha Uga Dhaartay inay Foodda Geliyaan
Hargeysa:May,23,2014(SDN/QJ)-Maadaama Arrinta Maanta Ugu xiisaha Badan Somaliland ay tahay Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Xalay lagu Dhawaaqay, ayaanu Door bidnay inaanu markale idiin iftiimino Xubnaha Xilalka Dawladda ka Haya eek u dhegay ka mid ahaanshaha Golaha, Dhexe, maadaama aanay Haysanin Kalsooni ay kursiga xukuumadda ku sii haysan karaan.
Beelaha oo la sheegayo inay ahaayeen Awoodda soo xulaysay Xubnahan, ayaa qaarkood diideen inay Goobta geeyaan wax xil dawladeed Haya, maadaama ay buuxaan dad aan wax xilal ah haynin oo diyaar u ah inay Buuxiyaan Xilalka Golaha dhexe, isla-markaana fursado u haystaa.
Inta Badan Beelaha Somaliland ee Golaha dhexe ku jira lagama waayayo xubno ka tirsann xukuumadda inay Golaha dhexe Keeneen, balse waxa jira Beelo ay ku badan yihiin oo wasiirro iyo Agaasimayaal Badani ugu jiraan Golaha dhexe ee Xisbiga oo Haatan uun la sameeyey.
Marka aynu ku Horrayno Beelaha Dhinaca Bariga Somaliland ama Hartiga, waxa Golaha Dhexe laga Siiyey 28-xubnood, iyadoo ay si weyn uga Muuqdaan Xubnaha Xilalka ka Haya Xukuumaddu oo waliba ay wasiirro ciidhiidhi geliyeen.
Beesha Harti waxa Golaha Dhexe ka soo Galay Wasiirrada wasaaradaha Hawlaha Guud, Gaashaan-dhigga, Biyaha, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, Wasiir-dawlaha Arrimaha Bariga iyo Waliba Guddoomiye ki-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Baashe Maxamed Faarax ah.
Beeshan ayaa inta Badan ka Masuuliyiintii dawladdu ka dhex muuqdaan Golaha Dhexe, waxana ay Muujiyeen sida ay ugu dhegsan yihiin ka mid noqoshada xubnaha talada laga weydiin doono Musharaxa Madaxweynenimo ee Xisbia Kulmiye.
Sidoo Beesha Habar-awal ayey Masuuliyiinta Dawladda xilalka u hayaa si weyn uga dhex muuqdaan Golaha dhexe ee Xisbiga, kuwaas oo laga fujin kari waayey inay Dadka shicibka ah u banneeyaan kuraasta Golaha dhexe Madaama ay ku cidhidhyeen kuwii xilalka Beeshu xaqa u lahayd.
Beeshan waxa Golaa Dhexe laga Siiyey 47-xubnood, waxana Soo Gala 10-xubnood oo xukuumadda u shaqeeya, una Badan Wasiirro iyo Agaasiyaal Guud.
Xubnaha Xukuumadda u shaqeeya ee Beeshan Golaha dhexe ka soo Galay, ayaa wax aka mid ah: Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha Dibadda, Warshadaha, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Warfaafinta, Deegaanka iyo isgaadhsiinta, Mayarka Caasimadda, Guddoomiyaha Ururka Curdinka ah ee Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maamul-wanaagga Oo Axmed Muxumed Madar ah.
Beelweynta Garxajis oo Golaha Dhexe ka Heshay 28-Xubnood, ayaa Masuuliyiinteeda Xukuumadda Xilalka ka hayaa ay ka muuqdaan Xubnaha la soo xulay, waxana ay ku leeyihiin Shan Xubnood oo Heer Wasiir gaadhsiisan.
Xubnaha Beeshan Golaha Dhexe u soo Galay Ee Xilalka Xukuumadda Haya, ayaa wax aka mid ah Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirk-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Beesha Habar-jeclo oo ah Beesha Qaadatay Tirada ugu badan ee Golaha dhexe oo ah 50-xubnood, ayaanay ku badnayn Masuuliyiinta Xilka hayaa, waxana kaliya ay kusoo dareen Saddex Xubnood ee Meeqaam Hoose kaga jira Xilalka Dawladda.
Xubnaha Beeshan ka soo Galay Golaha Dhexe ee Xukuumadda u shaqeeya ayaa wax aka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Aayar, Wasiiru-dawlaha Waxbarashada iyo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Xafiiska Aids-ka oo Cabdikariin Xinif ah.
Beelaha Samaroon iyo Ciise oo marka la isku daro Golaha ka helay 40-xubnood, ayaan ku soo darin xubnihii Xilalka sare Hayey, waxana kaliya kaga jira Labba Xubnood oo kala ah Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Dhawaan la magacaabay iyo Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda La Dagaalanka Afooyinka Dabiiciga ah Axmed Muxumed Geelle Dacar ah.
Beesha Arab oo Golaha ka heshay 30-xubnood, ayaa uga dhaaratay inay Golaha Foodda Soo Geliyaan wax xukuumadda xilal ka ayaa, waxana ay ku taxeen Dhammaanba xubnihii dadka shacabka ah, marka laga reebo Najax siyaad oo ku magacaaban la taliyaha Madaxweynaha ee Arrimahha Dhallinyarada.
Beelaha kale ee Soo Hadhay ma jiraan cid xilal Dawladeed Haysa oo ay Golaha Keeneen marka laga Reebo Beesha Toljecle oo kusoo dartay Yuusuf Cismaan Garas oo Hay’adda Mucaawimooyinka ee WFP Agaasime u ah.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com