|

Dhirbaaxooyinku Shabaabku Ku Dhuteen Mombasa iyo Nairobi Oo Keenay Inay Kenya Qaaddo Mashaariic Maalaayiin Dollar ku Kacaya Oo Ammaanka Lagu Sugayo

Nairobi:May,23,2014(SDN/QJ)-Weerarrada Joogtada ah ee  Kooxda Al-shabaab ku Hayso Dalka Kenya, ayaa Keenay in Dawladda Kenya ay Go’aamo cusub qaadato.

cctDawladda ayaa diyaarinaysa sidii ay u hirgelin lahayd Tallaabooyin KU Salaysan Adkaynta Ammaanka, iyadoo la adeegsanayo Technoologiyadda casriga ah.

Xukuumadda nidaamkeeda cusub ee Hannaanka Midaysan ee Isgaadhsiinta Amniga Shacabka iyo Ilaalada, oo la filayo inuu diyaar ahaado December 2014-ka, ayaa gacan ka geysanaya inuu dib u soo celiyo kalsoonida shacabka oo uu joojiyo khataraha argagixisada, ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku.

“Markii la hawlgaliyo, wuxuu bilayska siinayaa raadiyayaasha lagu hadlo oo lagu rakibay kamerado iyo adeegyada uu ka midka yahay Google Maps oo awood u leh inay si toos ah goobta uu dambigu ka dhacay uga soo tabiyaan fiidiyowyada iyo sawirrada,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Wajiga koowaad ee barnaamijka, ayaa Nairobi iyo Mombasa qorshe loo dajinayaa waxaana la galinayaa isgaadhsiinta iyo kamaradaha ilaalada oo u sahli doona bilayska inay kormeeraan jidadka iyo laamiyada iyagoo jooga xarunta taliska ee Jogoo House ee Nairobi.

Si loo sahlo in lala xidhiidho xarunta taliska, 195 saldhigyo bilays ah oo ku yaala Mombasa iyo Nairobi ayaa lagu xidhayaa internet xawaarihiisu sarreeyo,  siduu sheegayo Lenku.

Raadiyayaasha lagu hadlo waxaa sidoo kale loo adeegsanayaa in lagula socdo askari kasta oo shaqada ku jira, taas oo u sahleysa askarigii la weeraro ama kuwa u baahan in loo gurmado inay riixaan badhanka qeylo-dhaanta oo ku yaala qalabka oo isla markaas ka diraya fiidiyowyada xaaladda ay ku sugan yihiin halka ay joogaan una diraya xarunta taliska.

Muuqaalladu waxay sidoo kale caddayn ku noqonayaan tuhmanayaasha, taas oo caawinaysa in la qaado dacwadda kiisaska.

“Nidaamku wuxuu awoodayaa inuu u adeego in ka badan 7,600 oo askar bilays ah laakiin waxaa kadib kor loogu qaadayaa inuu u adeego wax ka badan 50,000,” ayuu yidhi Lenku.

Software lagu aqoonsanayo wajiyada iyo taargooyinka

Xukuumaddu waxay qandaraas la gashay shirkadda isgaadhsiinta ee Safaricom si ay u rakibaan nidaamka, oo wajigiisa koowaad ay ku bixi doonto 15 bilyan oo shilin ($171 milyan), ayuu yidhi.

Madaxa Sare ee Safaricom Bob Collymore ayaa sheegay inay shirkaddu ku rakibi doonto 1,800 oo kaamaradood meelo muhiim ah oo ku yaala Nairobi iyo Mombasa. Markii la rakibo nidaamka, ayuu yidhi, waxaa maammulkiisa iyo ku shaqeeyntiisa mas’uul ka ah hay’adaha ammaanka.

“Waxaan xidhaynaa kaamaradaha infrared-ka oo awooda inay muuqaallada ka qabtaan meelaha mugdiga ah, kaamaradaha wareegga ah oo awooda inay daboolaan 360 digrii [intaana waxa dheer] kaamaradaha sanduuqa ku jira waxaana lagu xidhayaa taliska dhexe,” ayuu yidhi Collymore. “Iyadoo nidaamkan la adeegsanayo, ayaa labo ama saddex askari oo bilays ah oo fadhiya taliska dhexe waxaa u suuroobaysa inay hal mar la socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda luuqyo iyo buundooyin hoose oo badan, waxaana u suuroobaysa inay si fudud isugu xidhaan hawgallada bilayska.”

Kaamaradaha waxa ay sidoo kale awoodayaan inay aqoonsadaan oo isku eegaan wajiyada iyo kuwa ku jira kaydka ee dambiileyaasha iyo argagixisada la aqoonsan yahay. Waxay ka caawinaysaa bilayska inay dambiileyaasha ka soo dhex saaraan dadka iyagoo adeegsanaya sawir caadi ah ooo lagu aaaday kaamaradda,” ayuu yidhi.

Nidaamku wuxu adeegsanayaa shabakad madax-bannaan ee 4G ah oo la dhammeystiri doono afarta bilood ee soo socota, taas oo ay ku xigto muddo labo bilood ah oo tababar ah si askarta loo baro isticmaalka nidaamka iyo qalabkiisa, ayuu yidhi Collymore.

Gaashaanle Dhexe Benjamin Muema oo ka hawlgabay Ciidamada Difaaca Kenya, haddana si madax-bannaan u ah lataliye ammaan oo ku sugan Nairobi, ayaa sheegay in nidaamka laga yaabo inuu kor u qaado dagaalka uu waddanku kula jiro amni-darrada, laakiin waxa ay guushiisu ku xidhnaan doontaa tayada kaydadka kombiyutaarrada ee jira.

Tallaabadan lacagta badani ku Baxayso ayey Kenya uga Gol-leedahay inay ku joojiso weeraro joogto ah oo kooxaha Al-shabaabku ay la beegsanayeen Deeganadeeda.

Hawshan ayaa la sheegayaa inay dhawaan Bilaambi doonto, iyadoo ballantu tahay inay Dhamaato dhammaadka sanadkan aynu ku jirno.

Waxa ay tallaabadan Kenya ku dhawaaqday ku soo Beegmaysaa xilli ay kooxaha Al-shabaab ku dhawaaqeen inay Dagaalkii ay ka wadeen Somalia xooggiisii u weeciyeen dhinaca Kenya.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed