|

Ciidamo Mareykanka ka socda oo ku biiray baadi goobka Gabdho ay Boko Xaraam afduubteen

Chad May 23,2014(SDN/QJ)-Ciidamo ka socda dalka Mareykanka ayaa ku biiray baadigoobka gabdho ay hore u afduubteen kooxda Boko Xaaraam ee dalka Nigeria.

Ciidamadan oo ah kuwa circa ayaa la sheegay in ay ka hawlgeli doonaan dalalka Nigeria Jaarka la ah ee Chad iyo Cameron/

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa aqalka Congresska u sheegay in ciidamadood ay gacan ka geysan doonaan baadi goobka boqolaalka hablood ee ay Boko Xaram afduubatay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa saxaafada u sheegay in duyuuradaha aaney cidi wedin ay ka qeyb geli doonaan hawl galada.

SDN/QJ-Chad

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed