Ergeyga Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN oo qadiyada Mucaaridka gaarsiiyay Baarlamaanka Canada
Ottawa May 23, 2014(SDN/QJ)-Ergeyga dalada Mucaaridka Jabuuti ww USN Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole ayaa manta kulan xafiiskiisa Baarlamaanka Canada kula kulmay ku-xigeenka madaxa Guddi hoosaadka Baarlamaanka Canada u qaabilsan Africa Mr. Maurice Belanger.
Ergeyga Canada u qaabilsan Dalada Mucaaridka Jabuuti iyo Xildhibaan Maurise Belanger ayaa ka wada hadlay xaaladaha Siyaasadeed ee cakiran ee dalka Jabuuti.
Md Xuseen Cadhoole oo u waramay qurbejoog.com kulanka dabadii ayaa waxa uu sheegay in xubnaha mucaaridka Jabuuti ee Canada ay wada jir uga shaqeeyeen kulanka ayna ku mahadsan yihiin.
“Jaaliyada reer Jabuuti ee Canada waxa ay ololahooda siyasadeed ka bilaabeen dalkan Canada waxaaney doonayaa in walaalohooda reer Jabuutina ay masuuliyiintooda iyagu doortaan sida Canada oo kale,waana ay ku mahadsan yihiin kulankan ay nagala shaqeeyeen”ayuu yiri Md Xuseen Cadhoole.
Md Xuseen Cadhoole ayaa sheegay in ay Mr. Belanger u guddbiyeen habdhaqanka guracan ee xukuumada Jabuuti kula dhaqanto shicibka reer Jabuuti,
“Waxaany Mr Belanger u sheegnay in uu ku wargeliyo Baarlamaanka Canada tacadiyada xukuumada Jabuuti ay u geysato shicibka reer Jabuuti sida culimada iyo siyaasiyiinta u xiran Ismaciil Cumar Geele”ayuu yiri Md Xuseen Cadhoole.
Mr. Belanger ayaa u sheegay ergeyga USN iyo taageereyaashooda Canada ee la kulamay in uu cabashadooda horgeyn doona Baarlamaanka Canada.
Taageereyaasha dalada mucaaridka Jabuuti ee dalka Canada ayaa dalkan ka wada dedaalo caalamka loogu soo bandhigayo tacadiyadaha ka jira dalkooda.
SDN/QJ-Ottawa
contact@qurbejoog.com