Halkan Ka Akhriso Magacyada Golaha Dhexe iyo Gudida Fullinta ee Kulmiye ee Galabta lagu dhawaaqay.
Hargaysa 22.May 2014 (SDN/QJ)- Shir Gudoonka Shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo Galabta Shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Ambassador ee Caasimada Hargaysa ayaa ku dhawaaqay Dhamaystirka Gudida Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye uu yeelanayo Mudada Shanta Sanno ee Soo Socda.
Sida ay Shir Gudoonku Galabta Sheegeen Waxaa Baaqday Shir la rabay in Xarunta Madaxtooyada lagaga dhawaaqo Liisaska iyo Magacyada labadan Gudi iyagoo Xusay inay u Baajiyeen si looga dhawrsoonaado Khilaaf mar kale ka dhex Curta Xisbiga Kulmiye .
Xubnaha Gudida oo ka koobnaa 7 xubnood halka xubinta ka maqnayd oo ahayd Gudoomiye ku xigeenkii Todobadaasi xubnood uu beryahanba kagaga maqnaa safari dibeda ah balse maanta ay goobjoog ka ahaayeen 6 xubnood kuwaas oo ku dhawaaqay go’aanka Rasmiga ah ee Shirkii Kulmiye la isku raacay inay rasmi ahaan loo shaaciyo waxaanay tiradoodu dhan tahay 364 Xubnood oo wixii ka danbeeya hada Xisbiga Joogto u ahaan doona hawlihiisa Xisbinimo.
Hargaysa SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com