|

Wasaarada Deegaanka Somaliland oo Xarun Cusub ka Dhisaysa Magaalada Laascaanood

Laascaanood 22.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Deegaanka Iyo Horumarinta Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil(Baandare) ayaa maanta gaadhay magaalada laas-caanood ee xarunta gobolka sool.

Shugri l2 U jeedada safarka wasiirka ayaa la xidhiiday sidii ay u dardar galin lahayd shaqada ay wasaarada deegaanka iyo horumarinta miyigu u hayso qaranka.

Wasiirka deegaanka ayaa xafiiskiisa magaalada laascaanood kulan kula qaadatay guddoomiyaha gobolka sool Mudane Maxamed Faarax Aadan waxaana guddoomiyaha gobolka sool uu wasiirka deegaanka uga waramay xaalada gobolka sool .

Shugri lKulankaasi markii uu dhamaaday wasiirka deegaanka iyo guddoomiyaha gobolka sool waxa ay dhagax dhigeen xarunta wasaarada deegaanka ay ku yeelan doonto magaalada laascaanood iyo beer loogu talo galay in lagu beero dhirta oo iyadana laga dhagax dhigay dhinaca galbeed ee magaalada laascaanood .

Wasiirka deegaanka ayaa waxa kale oo ay kulan la qaadatay shaqaalaha wasaarada deegaanka ee gobolka sool gaar ahaana kuwa ku sugan magaalada laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Laascaanood SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed