|

Diblo-maasiyiin Masaari ah Oo Booqasho ku Jooga Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia

Muqdisho:May,22,2014(SDN/QJ)-Khabiir sare oo xagga siyaasadda ah oo masar u dhashay, ayaa Booqasho ku tegay Xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia.

flagaaKhabiir Khayru-diin Cabdiladdiif, ayaa Booqashadiisu ay salka ku haysaa sidii ay  Dawladdiisu wax uga ogaan lahayd Hannaanka ay u shaqayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia.

 

Muhiimada booqashada qabiirkan ayaa lagu sheegay inay tahay qiimeynta qalabka iyo tayada shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya.

 

Masuulkan oo warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu soo gaadho Soomaaliya si uu u adkeeyo xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal iyo shacab oo leh xidhiidh soo jireen ah.

 

Waxa uu sheegay in ujeedka safarkiisa uu yahay sidii loo horumarin lahaa shaqada diblumaasiyadeed iyo tayaynta shaqaalaha iyo qalabka wasaaradda arrimaha dibada xukuumada federaalka Soomaaliya.

 

Dhanka kale, agaasiamaha wasaaradda  arrimaha dibada  xukuumadda Soomaaliya Xirsi Xaaji Culusoow ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dadaalada dowladda Masar ay ku dooneyso inay tayeyso qalabka iyo shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya.

 

Khabiirkan ka socda dowladda Masar ayaa hore u soo noqday danjire iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa ah mid iska Bilow ah oo u baahan in laga taakuleeyo xagga qalabka iyo waliba Nidaamka casriga ah ee Xarumaha dhiggeeda ahi ku shaqeeyaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed