|

Dawlada Soomaaliya oo dalbatay in Ciidamada Jabuuti la geeyo Kismaayo iyada oo aan sheegin halka kuwa Kenya tegi doonaan

Muqdisho May 22, 2014(SDN/QJ)-Dawlada Soomaaliya ayaa dalab cusub oo ku wejahan in ciidamada Jabuuti ka geeyo magaalada Kismaayo u gudbisay hogaanka sare ee ciidamada AMISOM.

Arinkan oo u muuqda in uu dib u soo celinayo khilaafkii u dhexeeyay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa saxaafada u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya oo aan ogolaasho u heysan baahinta xogtan.

Dalabka dawlada Soomaaliya Ayaan la ogeyn in uu ku jiro halka Soomaaliya laga geynayo ciidamada Kenya iyo in ay dalkaba sii joogi doonaan.

Waxa saraakiisha ciidamada ee dawlada Somaaliya laga soo xigtay oo kale in hogaanka sare ee ciidamada AMISOM ay ansixiyaan qorshahan ciidamada Kenya looga saarayo magaalada Kismaayo,

Dawlada Soomaaliya ayaa qiil uga dhigeysa dalbkeeda in magaalada Kismaayo loo bahan yahay in ay tagaan ciidamo ka socda dal dhex ka ah siyaasadaha isku foogan ee Soomaalida.

Dawlada Kenya iyo maamulka Juba ee ay xiriirka dhaw leeyihiin Ayaan weli ka hadal qorshaha dawlada Soomaaliya ee ciidamada Kenya Kismaayo looga rarayo.

Ciidamada dalka Kenya eek u sugan Jubooyinka ayaa Soomaaliya soo galay sanadii 2011 kii, xiligaa oo dawlada Kenya ay sheegtay in ay la dagaalameyso kooxda Al Shabaab.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

contact@qurbejoog.com

Comments are closed