|

Laba Todobaad Gudahood oo ay Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa ku soo Biireen Laba Xildhibaan oo Kayd ahaa

Hargaysa 21.May 2014 (SDN/QJ)- Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta Xilka Xildhibaanimo u dhaarisay Mubaariga Cabdi Malaw oo ka mid noqday Golaha degaanka Hargeysa.

malowXildhibaan Mubaarig ayaa buuxinaya Jago uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Marxuum Deeq Ducaale oo 18-kii May ku geeriyooday Hargeysa.

Xubintan Cusub ayaa ka soo Baxay Urur Siyaasadeedkii Hadhay ee Xaqsoor .

Madasha lagu dhaariyey Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malaw waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxakamada Gobolka Faysal Dhego-dhego, Maayar ku xigeenka Somaliland Cabdicasiis Cago-weyne, Xildhibaan Saleebaan Dogox iyo Xubno kale.

Maayar xigeenka oo hadal kooban ka jeediyey Madasha ayaa Xildhibaanka si niyad sami ah ugu soo dhaweeyay Golaha degaanka. Waxa uu tacsi u diray Ehelka iyo Golaha degaanka ee uu ka baxay Marxuum Deeq Ducaale Cismaan.

Xildhibaan Mubaarig Cabdi Malaw isna halkaasi ka jeediyay Hadal kooban ayaa Bulshada Reer Hargeysa ka codsaday inay ugu duceeyaan In Alle ku asturo Xilka uu qaaday oo uu ku sifeeyay mid culus. Waxa uu u mahadceliyey Golaha degaanka intii kala soo qayb gashay Dhaarintiisa. Waxa uu sidoo kale balanqaadya inuu dhaartaasi oofin doono.

Geesta kale Todobaadkii Tegay ayay ahayd Markii uu Xildhibaan Cusubi buuxiyay Jago uu Baneeyay Mustafe Cismaan Daahir oo Xukun dil ahi ku dhacay, Isla markaana ka soo baxay Urur Siyaasadeedkii Hadhay ee Ummada .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed