Wasiirka Xanaanada Iyo Xoolaha Ee Somaliya Oo Lagu Xidhay Magaalada Nairobi
21,May,2014(SDN/QJ)-. Wasiirka Wasaarada Xanaanada iyo Xoolaha ee Xukuumada Somaliya Prof. Saali Caliyow Ibrow, ayaa waxaa maanta lagu xiray Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya.
Wasiirka, ayaa waxaa lala xiray Xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar, waxaana la soo sheegayaa in lagu haayo mid ka mid ah Saldhigyad Booliska Kenya uu ku lee yahay Magaalada Nairobi.
Xubnahaan waxaa ka sii horeeyay oo Magaalada Nairobi saakay lagu xiray qoyska Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha ee Soomaaliya, oo lagu soo eedeeyay in wado khaldan u marayn qaadashada basaboorka Kenya.
C/sataax Xasan Cali, Xoghayihii hore ee Safaarada Somaliya ee Magaalada Nairobi, ayaa wuxuu sheegay inaysan ilaa iyo hadda garanayn sababta keentay in Kenya ay xirto Wasiirka iyo Xildhibaanka.
Hase ahaatee wuxuu sheegay in ay ogyihiin qoyska Prof. Saali Caliyow Ibrow in loo heysto dembi ah, in ay si Sharci daro ah ku qaateen basaboorka dalka Kenya.
Waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federalka ee Soomaaliya, oo ku aadan xariga ay Dowladda Kenya u geysatay Wasiirka Wasaarada Xanaanada & Xoolaha iyo Xilhibaan Caadil Sheegow Sagaar.
25-kii bishii April, ayay ahayd markii Booliska Kenya ay Magaalada Nairobi ku xirayn Qunsulka Safaarada Somalida ee Nairobi Siyaad Maxamuud Shire, mana jirin jawaab ku haboon oo ay ka bixisay Dowladda Soomaaliya.
.
SDN/QJ-Nairobi